Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Iyo Imaaraadka Carabta Oo Ka Wada-Hadlay Ammaanka Soomaaliya

focus

Qaramada Midoobay Iyo Imaaraadka Carabta Oo Ka Wada-Hadlay Ammaanka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-cuthmaan waxa uu Kulan gaar ah la qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating, sida ay baahisay Wakaallada Wararka u faafisa Imaaraadka ee WAM.

Labada Mas’uul oo ku kulmay Dhismaha Safaraadda Imaaraadka ee Muqdisho waxay ka wada xaajoodeen Xidhiidhka u dheexeeya Imaaraadka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM iyo qaabka ay labada dhinac uga wada shaqeyn karaam Taageerida Ammaanka, Deganaanshaha iyo Horumarinta dalka Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-cuthmaan iyo Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating waxay kaloo Kulankooda ku lafa-gureen Xaalladad Soomaaliya iyo dadaalka Imaaraadka iyo QM ka geystaan Taageeridda DFS iyo Deganaanshaha Somalia.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxay kaloo sheegtay inuu Michael Keating ku booriyey Dowladda Imaaaraadka inay sii wadaan Taageeradda ay Somalia ka siiyaan dhinacyadda Samafalka Aadminimo, Gargaarka iyo Horumarinta.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmay maalmo kadib, markii ay Barlamaanka Midowga Europe soo saareen Qaraar ay ku cambaareynayaan Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga inay faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Tan iyo markii uu dillaacay Khilaafka Khaliija sannadkii hore, waxay Dowladaha Imaaaraadka iyo Sacuudiga hakiyeen Taageeradii Maaliyadeed iyo Farsamo ay siin jireen Hay’addaha DFS, kadib, markii ay DFS sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafkaasi, wallow DFS loo xagliyo inay taageerto Dowladda Qatar oo qeyb ka ah Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top