Connect with us

somalilandtoday.com

Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa labada Beelood ee Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo ah

Articles

Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa labada Beelood ee Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo ah

Waa Arin u baahan in Dib loo Tixraaco si Loo helo halka uu Xadhigu ka qaloocdey, Runtii arintaasi ma aheyn mid u Buurran Sida hadda Xaalku Yahey Waxaaney ka bilaabantey Laba Nin oo Ooriya-Walaal ah oo kuwadda hadley Xiligii Abaarta iyo Xaalada adagi ka taagneyd Deegaankaasi Sanadii 2016kii Waxa ay isku qabsadeen dhul Omos ah oo u dhaw ‘Dararweyne’ gaar ahaan (Bacaha), meesha hada lagu magacaabo Tusaale ahaan Bacdda la aaso ee Biyaha loo qoddo keydkooda dhulka oomana ah Xoolo dhaqatadda ayaa inta badan Isticmaala,Xiliga jiilaalka adag ee Biyo la.aantu faraha baas ku hayso Xoolo dhaqatadda.


Runtii Marka Xaqiiqda loo Dhabo gallo Waxa ay

dadkaasi Waayeen Xukuumadd Talaabo adag ku Dhex gasha Xiligaasi si loo fudeydsadeyba gacantii halkaa ka dhacdeyna Waxey hadda mareysaa in ay ku naf-waayeen Lixdameeyo Qof Waxeynu illaahey uga baryeynaa in uu Naxariistiisa ku kala bogsiiyo oo Bogooda burcad isy mariyo haddii Nabarka Dusha laga farafareeyo Ma fiicna haddaan gunta hoose laga soo dhayin Waxaana muuqda sida ay ii Xaqiijiyeen Ruug-caddaa labada dhinac ahi in Qodobadda daawada u baahani ay badan yihiin islamarkaana, qaarkood u baahan yihiin in la isla fahmo khusuusan Arimaha Xasaasiga u ah in ay Doogta soo kiciyaan oo Hubka lakala furtey qeyb ka yahey.
Maxaa yeelay haddii marka la heshiiyo kadib lala soo baxo hubkaasi oo qof aan xogogaal u aheyni qaato waxey Dhinaca kale Xusuusineysaa Qofkii lagu Diley markaasaa, kii uu Waalidka u ahaa ma Walaalka u ahaa ka gadoodayaa sidaasaaney mar kale rabshadi uga imaneysaa.

Sikasta oo ay Tahey, Marka la isku soo Ururiyo Arinta Xaalada Xun ee Colaadda Ceel-Afweyn Waxa ay mar kasta iyo si kasta iyo qaab kasta oo loo waajahaa ay ku dawoobeysaa in ay labada Dhinac mid kamid ahi Tanaasul Guud qaato islamarkaana, go.aansaddo in Wacyiga taagan looga Gudbo Xaalad Cusub iyo waayo Cusub kuwaas oo Wax kasta oo meeshaa ka dhacey iyo Culeys kasta oo ay qabaan ku Badesha kuna ilaawa in Nabed iyo walaalnimo lagu wadda noolaado talaabadaas oo ah Mid ku iman karta Tawfiiq iyo Go,aan Geesinimo leh oo Mustaqbalka loo Aayo labada dhinacna ay kaga bogsadaan Intii adkeyd ee Soo dhex martey.

Gabagabadii Had iyo jeer Soomaalidu waxey Tidhaahdaa Belaayo Hor la qabto ayey leedahey laakiin Dabbo la qabto ma leh Waxaan qormadeydan ku Guubaabinayaa in aaney labada Dhinacba Ficishan saraakiil iyo Masuuliyiin Xukuumadda katirsan oo qoloba dhinaceeda tuhun u khaas ah uga qabto sidoo kalen qoloba qoladda kale in ay u xaglinayaan u tuhmeyso taas, oo dhinac kasta ku ah ‘Cudurka kaa galla Fardaha hadii laga gubo Dameer Daawadda lama gaadhayo’.

Tusaale ahaan Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland ee Xukuumaddan Maxamed Kaahin Axmed ayaa labadda Beeloodba mid Waliba dhinacooda uga dareen qabaan Waxaaney Labadada beelood beel kamid ahi u arkaan in uu uga hiilinayo Beesha kale oo ay Ardaa kasoo wada jeedaan(Biciide) halka Beesha kale ee lagu tuhunsan yahey lafteeduna u aragto in uu sigaar ah u cadaadinayo Waana Sababta uu ugu guuldreystey laba jeer oo uu Dhex galey xiisaddan sidaa daraadeedna isla Xiligan looga walaacsan yahey in dareenka labada dhinac ka qabaan awgeed Xaajadu u Murugto mar kale.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell: 0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top