Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Iyo Beelihii Uu Dagaalka Ku Abaabulay Oo Isla Cadilan

focus

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Iyo Beelihii Uu Dagaalka Ku Abaabulay Oo Isla Cadilan

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu horraantii sanadkan si weyn durbaanka dagaal ka dhan ah Somaliland ugu garaacay bulshada reer Puntland. Dagaal wakhti dheer qaata oo lagu xoraynayo Sool, Sanaag iyo Cayn ayuu ku xanta xanteeyay quluubta bulshada taas oo kicisay bulshada, islamarkaana beelaha Puntland degaa jiidda Tukaraq keeneen ciidamo beeleedyo, hub iyo calafkooda hase ahaatee Madaxtooyada Puntland oo aan amrin ciidamada in ay wax dagaal ah ku qaadan Somaliland ayaa badka keentay in abaabulkii Cabdiwali Gaas gogol xaadh u yahay muddo korodhsi maaddaama sanadka dambe horraantiisa wakhtigiisu ku eeg yahay.

Warbaahinta Horseed ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa ku warramaysa in bulshada Puntland si weyn u dareensan tahay tuhunka ah in aanu Cabdiwali Gaas dagaal u socon laakiin, muddo korodhsi qorshaynayo. Saraakiil ciidamada ah oo ay la xidhiidhay Horseed ayaa u sheegay in aanu dagaal la qaado amarkiisu ka socon dhanka madaxtooyada Gaas waxaanay ka gaabsadeen in arrintu tahay qorshe muddo kordhineed.

Cabdiwali Gaas ayaa sidoo kale ka walaacsan ciidamada tirada badan ee ka kala socda beelaha Puntland oo kaba awood badan ciidamada Puntland ee madaxtooyada ka amar qaata. Ciidamada qaarkood ayuu ka shakisan yahay in qolyo musharraxiin ah oo muddo kordhinta ka soo horjeeda daaha dabadiisa ka hagayaan kuwaas oo amar diido ku samayn kara marka uu miiska keeno in aanay xaaladdan doorasho ku qabsoomi Karin.

Hore wuxuu uga walaacay ciidamo jiida kaga soo biiray degaanno gaar ah oo uu ku sifeeyay kuwo musharrax gaar ahi daaha dabadiisa ka amrayo mushkiladna ku ah isaga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top