Madaxweyne Muuse BIixi wuxuu ku xigeenkiisa Saylici siiyey jaanis uu ku shaqeeyo, waxaanu u hiiliyey markii uu magacaabi waayey wasiirka madaxtooyadda oo shaqadii yarayd ee uu dastuurku siiyey kala wareegi jirey, taasina waxay keentay in muuqiisa iyo shaqadiisuba yaraaddo.
Madaxweyne ku xigeenka toddobadii sanadood ee hore goboladda bariga muu tagin, intan dambese waa markii labaad ee uu hawlo shaqo u tago.
Hadii go’aankii uu maalintii uu marayey Ceel Afweyn soo jeediyey lagu dhaqmi lahaa dagaaladan soo noqnoqday may dhaceen, wuxuu amar ku siiyey ciidanka in qofkii qori sita laga qaado hadii uu dhiibi waayana la toogto oo qasab lagaga qaado oo aan deegaankan
lagu arag qof qori sita, nasiib daro go’aankaasi muu sii waarin.
Madaxweyne waad ku amaanantahay in fursad fiican aad siisay madaxweyne ku xigeenka oo uu hawlo waaweyn ku qaban karo, waad ogaydeen wakhtigii duufaantu ku dhacay Galbeedka isagoo nasan oo shalay oo layl kormeer ku jiray markii uu soo noqday inuu madaarka ka noqday si uu caawimo u gaadhsiiyo dadkii dhibaatooyinku ku dhaceen, maantana waakan u anbobaxay inuu nabad ka soo aslaaxiyo deegaankii.
Madaxweyne hadii aad maamul daadajin samayso culays badan baa ka dhacaya, shaqaduna way kala fududaanaysaa, hadii aad isku koobtana wax qabadkiina wuu yaraanaya adiguna waad ku wareeraysaa, sidaas darteed si wasiiradu u shaqeeyaan iyaga jaanis sii oo waxa la moodaa inay cabsi ku jirto oo wax kasta oo ay qabanayaan illaa ay ku soo ogaysiiyaan aanay qaban Karin.
Wasiiradu dhalinyaro bay u badan yihiin, sidaas darteed mararka qaarkood talaabada ay is yidhaahdaan qaad waxa laga yaabaa inay ka baqdaan inaad ku qabsato, isla markaana kaala baqdaan xiitaa inay ku sheegaan oo ay door bidaan inay iskaba daayaan oo waxaad tidhaa qabo uun ay qabtan, taasina shaqaddu kuma fiicnaa, waa in wasiir kasta shaqadiisa si fiican u qabtaa oo shaqadaa khalad leh aanay ka baqan oo khalad iyo sax siday wax u arkaan u qabtaan hadhow marka la qiimaynayo ayaa la sixi karaa meelihi khaladka ka yimid , shaqaday caadadeed tahay in khalad dhici karo, laakiin hadii daba ka warwar ku jiro oo kalsoonadu ku yar tahay shaqo la qabto ha ka filayn waa jug jug meeshaadda joog.
Wasiiraradan waxaan leeyahay wax qabad wuxuu yimaada marka aad ku dhiirato waxaad doonayso inaad qabato ka dibna go’aan qaadasho la timaado, laakiin hadii aad ka keerkeerto oo qalbigaaga ku soo dhaco bilo sidan noqotaa iyo sidan noqotaa iyo bilo lagu qabsadaa iyo sideed wax ugu sheegtaa oo aad go’aan qaadankari waydo kuna dhiiran waydo shaqadaadda sidaad saxda u aragto inaad u qabato adigoo kala tashan xaga sare ogow faashil baad tahay shaqadaadana uma madax banaanid ee dad ka ha lugeyn ee qalin cas ku qoro inaad faashil tahay.