Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Dawladda Nigeria Oo Xabsiga Ka Sii Deysay 183 Carruur Ah

focus

Ciidammada Dawladda Nigeria Oo Xabsiga Ka Sii Deysay 183 Carruur Ah

(SLT-Nigeria)-Ciidamada Nigeria ayaa xabsiga ka siidaayay 183 caruur ah oo looga shakisnaa in ay xiriir la leeyihiin ururka Boko Haram, kadib marki lagu waayay wax dambi ah.

Waxa ay ka koobnaayeen 175 wiil iyo 8 gabdhood oo da’doodu u dhaxeeyso sideed ilaa iyo 18 sano jir, waxaana ay ku xirnaayeen magaalada Maiduguri ee gobolka Borno.

Carurta ayaa haatan la geeyay xarun ay maamusho dowladda, halkaasi oo lagu daweynayo.

Xafiiska hay’adda qaramada midobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ay ku leedahay Nigeria ayaa sheegaya in ay dowladda kala shaqeyneyso sidii taageero loogu fidin lahaa caruurtaan.

Kadib marka ay caruurtaan helaan daweynta waxaa ay dib ula midoobi doonaan qoysaskooda.

Dowladda Nigeria ayaa horay loogu dhaleeceeyay xarigga loo geeystay caruurta.

Sanadii 2016, ururka xuquuqda aadanaha udooda ee Amnesty international ayaa sheegay in 149 qof oo ay ku jiraan 11 caruur aad u yar yar ay ku dhinteen xabsiyada ku yaalla magaalada Maiduguri.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top