Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyneku-xigeenka Iyo Wafdigii Uu Hogaaminayay Oo La Kulmay Wax-garadka degmada Gar-adag Ee Gobolka Sanaag.

focus

Madaxweyneku-xigeenka Iyo Wafdigii Uu Hogaaminayay Oo La Kulmay Wax-garadka degmada Gar-adag Ee Gobolka Sanaag.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa kulan la qaatay wax-garadka iyo cuqaasha degmada gar-adag ee gobolka sanaag, wafdidani uu hogaaminaayo madaxweyne ku-xigeenku ayaa kala hadlay dadka deegaankaasi sidii ay u xoojin lahaayeen nabadgelyadda maadama deegaanka ceel-afweyn oo ku dhaw dagmada gar-adag ay ka dhacday dirir u dhaxaysa dadka deegaankaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka iyo wax-garadka reer Gar-adag inay doorka nabadgelyada iska taagaan mashaqada deegaanka ceel-afweyn, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku dadka deegaanka gar-adag u hoggo-tusaaleeyay qiimaha nabad-galyadda iyo ilaalinta midnimada iyo wada jirka ummada ku dhaqan deegaankaas, waxaana kamid ahaa hadal kooban oo halkaasi uu ka yidhi “Waxaynu nahay dad walaalo ah oo aanu ninna nin dheerayn, qof maanta inaga dhintana aynaan ka maarmayn, waxaan ka codsanayaa madax-dhaqameedka gar-adag inay doorka nabad-galyada iska taagaan dhinaca wanaagsan mashaqada ceel-afwayn,annaguna ka dawlad ahaan waxaanu ballan qaadaynaa in doorkayaga aanu ka ciyaarno arrintan ceel-afwayn sidii nabad loogu soo celin lahaa dadkaasi walaalaha ahna quluubtooda laysugu dhayi lahaa si ay mar-labaad usoo noqoto wax isu ahaanshihii ay caanka ku ahayd Sanaag “ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Madax-dhaqameedka deegaanka gar-adag ayaa ballan qaaday inay wax kasta ka horaysiin doonaan nabad-galyadda iyo wada jirka ummadda islamarkaana ay xukuumadda garab ku siin doonaan sidii nabada ceel-afweyn loogu guulaysan lahaa .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top