Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Maraykanka Oo Dilay Ciyaartoy Kubadda Kolayga Caan Ku Ahaa

focus

Booliska Maraykanka Oo Dilay Ciyaartoy Kubadda Kolayga Caan Ku Ahaa

(SLT-Los Angeles)-Tyler Honeycutt oo kubadda kolayga cayaara ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeed booliska Maraykanka, sida ay warbaahinta maxalligu sheegayso.

Waaxda booliska ee Los Angeles ayaa sheegtay in qof la tuhunsanaa uu u dhintay “dhaawac rasaaseed oo uu isu geystay”, ka dib markii uu ciidanka rasaas ku riday.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in qofkaasi uu ahaa cayaartoygii hore ee kooxda Sacramento Kings, haatanna u cayaarayey kooxda Moosko ka dhisan ee BC Khimki.

Honeycutt hooyadii dhashay ayaa sida la sheegay u yeertay booliska, maadaama uu wiilkeedu u dhaqmayey “si aan caadi ahayn”.

Kooxdiisa ayaa geeridiisa ayaguna xaqiijiyey, ka dib markii ay la hadleen wakiilkiisa.

Sida laga soo xigtay booliska LAPD, qofka tuhmanaha ahaa oo aysan xaqiijin inuu yahay Honeycutt ayaa rasaas ku riday ciidanka, ka dibna guriga ayuu galay. Ma jiro askari wax ku noqday.

Warbaahintu waxay sheegtay in guriga uu ahaa deegaanka uu ku noolaa Honeycutt oo ku yaalla Sherman Oaks, LA.

Ka dib markii muddo dheer la is hor taagnaa ayaa kooxda xaaladaha cakiran loogu yeero ee SWAT ay guriga gudaha u galeen arooryadii Sabtida, waxayna ku dhex arkeen la tuhunsanaha oo “aan nuuxsanayn”.

Cayaartoygan ayaa cayaarihiisa ka bilaabay jaamacadda UCLA. Kooxda Sacramento Kings ka hor wuxuu u soo safatay Reno Bighorns, ka hor intii uusan muddo gaaban u soo cayaarin Houston Rockets.

2013 ayuu Maraykanka ka dhoofay si uu ugu dheelo kooxda Ironi Nes Ziona ee Israa’iil, waxaana ku xigtay BC Khimki oo uu ku biiray 2014.

Sannadkii hore ayuu misna dib ugu laabtay Khimki, ka dib markii uu muddo sannad ah u cayaarayey kooxda Turkiga ka dhisan ee Anadolu Efes.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top