Connect with us

somalilandtoday.com

Xoollo dhaqatadda Geel jiraa ugu bakhaylsan..W/Q Barkhad Ladiif Maxamed Cumar

Articles

Xoollo dhaqatadda Geel jiraa ugu bakhaylsan..W/Q Barkhad Ladiif Maxamed Cumar

Xoolo dhaqatadda geel jira ugu bakhaylsan, Adhi leyduna way ugu faxalsan yihiin, sababtuna waxa weeyi, Ishinka ama Geel dhaqatadda hadii qof martiyo neef uma quudhi karaan oo looma gawracayo, dhaqanka miyigana qofka ku martiyey waa inaad hilib ku sooryeysaa, neefka Geelluna wuu ka qaalisan yahay xoolaha kale oo naf baxdaa lagu qiimeeya,taas baa keentay in bixinteedu ku adkaato, waana sababta loogu maahmaaho “ Ishin jeeni kama go’”.

Nin geel dhaqato ah oo laga rabay siyaaro wadaad loo doonayey ayaa bixin kari waayey neef qudha, waxaanu ku heesay markii siyaaraddii keen lagu yidhi “Geel muquuno cuslaa, oo rag la soo marin waa sheekhow mood iyo mood .” oo uu ula jeedo sheekhow iga raali ahow muquuno kama bixin karo neef geellee.

Xoolo dhaqatada ugu faxalsan waa adhi-leyda oo marka la martiyo neef u loogaya, mid kalena sahay u siinaya si qofka socotaddu safarka ugu dhaafo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top