Connect with us

somalilandtoday.com

Waftigii Nabadaynta Ceel-afweyn Oo Maanta Ka Ambabaxay Hargeysa + Cullimo Caan Ah Oo Qayb Ka Ah.

focus

Waftigii Nabadaynta Ceel-afweyn Oo Maanta Ka Ambabaxay Hargeysa + Cullimo Caan Ah Oo Qayb Ka Ah.

(SLT-Hargeysa)-Waftigii nabadaynta deegaanka Ceel-afweyn ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa iyaga oo ku sii jeeda deegaanka colaadda dabada dheeratay ka taagan tahay ee Ceel-afweyn.


Wafti maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa ka kooban in ka badan 100 qof oo ka mid ah waxgaradka Somaliland, waxaana waftiga qayb ka ah culimo caan ka ah ee Somaliland oo ka mid yahay Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Sheekh Maxamuud Suufi Maxamuud iyo Sheekh Cabdillahi Sheekh Cali Jawhar.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadana qayb ka ah waftigan waxaana hoggaaminaya wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Waftigan ayaa waxa sidoo kale ka mid siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo waxgarad kale duwan oo dhammaantood saamayn ku leh saaxada siyaasadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xarunta Madaxtooyadda kaga dhawaaqay in waftigan ballaadhan ay anbabixi doonaan deegaanka Ceel-afweyn ee ay ka taagan colaada u dhaxaysa beelaha walaala ah walow ay dhawr jeer dib u dhaceen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top