Connect with us

somalilandtoday.com

Tageerayaasha Afrika Xulkee Ayay Tageeri Doonaan Cayaaraha Koobka Adduunka?

focus

Tageerayaasha Afrika Xulkee Ayay Tageeri Doonaan Cayaaraha Koobka Adduunka?

(SLT-Nigeria)-Waxaa niyad jab ku dhacay tageerayaasha qaaradda Afrika kaddib markii dhammaan xulalka Senegal, Nigeria, Masar , Morocco iyo Tunisia lagu reebay wareega kowaad ee cayaaraha Koobka Adduunka, balse tageerayaasha qaar waxay leeyihiin weli rajo ayaa jirta.

Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala waxay si jeesjees ah kusoo qorayaan “weli waxaan haysanaa xulka Faransiiska oo hadda u gudbay cayaaraha semi finalka”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Nigeria wuxuu ka codsaday shacabka Nigeria inay taageeraan xulka Faransiiska ee ka qayb galaya Koobka Adduunka, maadaama cayaartoyda Nigeria ay ku hareen wareega koowaad.

Sida xaqiiqda ah, xulka Faransiiska waxaa u dheela ilaa 14 cayaartoy oo Afrikaan ah, waxaana kamid ah Paul Pogba.

Paul Pogba walaalkiis Florentin wuxuu u cayaaraa xulka Guinea, halka Steve Mandanda walaalkiisa Parfait uu isna u dheelo xulka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo.

Cayaaryahanada xulka Faransiiska sannadkan 2018-kaLahaanshaha sawirkaSTF/GETTY IMAGESImage captionCayaaryahanada xulka Faransiiska sannadkan 2018-ka

Cayaaryahanka dhanka weerarka uga dheela xulka Faransiiska Kylian Mbappé aabihii wuxuu ka soo jeedaa dalka Cameroon, halka hooyadiisa ay ka dhalatay qoys ka soo kala jeedo Faransiiska iyo Algeria.

Xulka Belgium waxaa ka dheela 8 cayaartoy oo Afrikaan ah, cayaartoydani qaarkood ayaa waalidkood waxay ka soo jeedaan qaaradda, waxayna kala yihiin Kompany, Fellaini, Lukaku, Dembélé, Boyata, Batshuayi, Chadli iyo Tielemans.

Xeerka Fifa ee muwaadininmada ku salaysan

FifaLahaanshaha sawirkaFIFA

  • Cayaartoyga u dheela xul qaran ma aadi karo xul kale oo qaran.

  • Xeerka ma saamayn doono cayaartoyda ka qayb qaadanaya cayaaraha saaxibtinimo, tusaale ahaan Diego Costa wuxuu cayaar saaxibtinimo u dheelay xulka Brazil.

  • Cayaartoyda aanan u dhalanin dal, waxaa loo ogolyahay inay dalkaasi matalaan waa haddii ay ku noolaadaan dalkaasi muddo shano ah.

  • Balse cayaartoyda qaxootiga ah waxay u cayaari karaan xul qaran marka ay helaan dhalashada dalka ay u dheelayaan.

Kylian Mbappe oo weerarka uga dheela FaransiiskaLahaanshaha sawirkaFIFA/GETTY IMAGESImage captionKylian Mbappe oo weerarka uga dheela Faransiiska

Xulalka Ingiriiska Sweden, Uruguay, Brazil, Russia and Croatia waxaa u dheela cayaaryahanno Afrikaan ah.

Delle Alli wuxuu u dheela xulka Ingiriiska. Aabihiis wuxuu kasoo jeeda dalka Nigeria, halka Danny Welbeck waalidkiis ay kasoo jeedaan dalka Ghana.

John Guidetti oo u dheela xulka Sweden ayaa yaraantiisii kusoo koray dalka Kenya, tageerayaasha kubadda cagta ee Kenya ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawirka John Guidetti oo da’ yar.

Wargeyska The Standard ayaa soo xigtay John Guidetti oo leh ” waxaan xiriir xooggan la leeyahay Kenya, mar kasta oo aan Kenya ku laabto si diiran ayaa la ii soo dhaweeyaa”

Tabbabarihii hore ee John Guidetti, Chris Amimo, ayaa sheegay in aabaha dhalay cayaartoygan uu ka shaqeyn jiray iskuul ay gacanta ku hayn jirtay Sweden oo ku yaalla dalka Kenya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top