Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Taariikhda Markii Ugu Horreysay Somaliland U Soo Magacawday Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Taariikhda Markii Ugu Horreysay Somaliland U Soo Magacawday Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa taariikhda Markii ugu horeysay intii ay kala go’een Somaliland waxa ay u soo magacawday Taliyaha Laanta socdaalka iyo bixinta Jinsiyadaha.

In kasta Oo Ay Somaliland 27 sanadood Ahayd Dal gaarkii u taagan isla markaana ay u dhamaystiran yihiin laamihiisa Dawladdu, ayaa hadana arrintani waxa ay u muuqataa Dagaal Siyaasadeed oo hor leh oo ay soomaaliya mar kale ku soo qaaday Somaliland.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore qabqabatay dad iyagu si Qarsoodi ah Ugu Samayn jiray Baasaaboorka Soomaaliya Magaalooyin ay Hargeysa ku jirto, aakhirkiina waxa ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay soo rogtay in aan dalka lagaga dhoofi karin baasaaboor ay ku cadahay in lagu sameeyay Magaaladda Hargeysa.

Halkan hoose ka akhriso

Image may contain: text

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top