Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Gaadhay Caasimadda Dalka Eritrea Ee Asmara

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Gaadhay Caasimadda Dalka Eritrea Ee Asmara

(SLT-Asmara)-Raysal wasaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa booqasho Taariikhi ku tagay magaalada Casmara ee casimadda Eritrea.

Itoobiya iyo eratariya ayaa waxa sanaddii 1998 dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo 20 sano ah islamarkana labadaba wax xidhiidh ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Waa booqashadii ugu horeysay oo rai’sul wasaara ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Eritrea muddo 20 sano ah.

Horey waxaa magaalada Adis Ababa booqasho ku yimid ergo ka socotay dalka Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa.

Jidadka magaalada Asmara ayaa lagu xardhay calamka dowladda Itoobiya waana tallaabo qeyb ka ah soo dhaweynta ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top