Connect with us

somalilandtoday.com

kaftanka maanta ,ha fadhido Faroe…. W/Q Axmednuur Guruje

Articles

kaftanka maanta ,ha fadhido Faroe…. W/Q Axmednuur Guruje

Aduunyaddu waa sidda garoon balaadhan ,garoonkaas oo marna ciyaaro xiise badani ka socdaan ,marna kooxi iskagga alamiitaynayso ,marna iskaba madhan.


Siddaa darteed ,somaliland aduunyadda kama Samayn karto waaqac laakiin wacdaraha aduunyadda ka socda way la jaanqaadi kartaa ama way ku saaqidi kartaa .

1991 aduunyaddu waxay gashay waqti cusub ,waxaa dhamaaday dagaalkii qaboobaa ,waxa burburay itaxaadkii soofiyeeti ,waxaana dib u qaabaysmsy ,siyaasaddii ,dhaqaalihii iyo nidaamkii aduunka ,waxa soo baxay waddamo cusub ,sidda kuwii itaaxaadkii burburay ,kuwii yogoslaafiya iyo afrikaba qaar ka dhashay sidda Ereteria .

Somaliland cahdigaa kamay faaidaysan ,waxaanay ku seegtay ,calan-cas ,calan cad ,Shiish iyo khakh .

Mar kale

2001 aduunyaddu hadana waqti cusub bay gashay ,waxaana u bilaabmay dagaalkii bush hogaaminayay,kaana Somaliland kamay faaidaysan .
Mar kale ,maantana aduunyaddu waa cusub bay gashay oo ah ,soo noqodka dagaalkii qaboobaa ,dhismaha xulifooyin cusub iyo tartan xoogan oo dhaqaale ,sidaa markay tahay Somaliland waxay u baahan tahay si aanay mar kale ugu qadin ,istaraajid qeexan ,cadaalad iyo xasilooni siyaasadeed ,haddii kale xaaladdu waa ha fadhido Farow .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top