Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyada Muqdisho Iyo Is Rasaaseyn Ka Socota Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyada Muqdisho Iyo Is Rasaaseyn Ka Socota Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Labo qarax oo ay daqiiqado u dhaxeeyeen ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka oo ku dhow Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee loo yaqaano 888, qaraxa hore ayaa aad u xoogganaa oo gilgilay magaalada oo dhan.

Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas xooggan iyo bambooyinka, iyadoo aanay weli kala caddeyn in xarunta wasaaradda arrimaha gudaha la galay iyo in kale, hase ahaatee waxaa la maqlayaa rasaas culus oo la is weydaarsanayo.

Xarunta Oto Oto ayaa waxaa isla degan Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga, waxaana gudaheeda laga maqlayaa rasaas.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay wadada soo aada Isgoyska Sayid oo uu qaraxa ka dhacay, waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan, balse lama haayo tiro rasmi ah.

Rasaasta laga maqlayo aagga uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u xooggan, iyadoo xaalada aan kala cadeyn.

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Oto Oto ayaa ku dhow nawaaxiga isgoyska Sayidka, halkaasoo ay taal Koontarool ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga Madaxtooyada.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid deganeyd bilihii la soo dhaafay, iyadoo bishii Ramadaan aanay magaalada ka dhicin qaraxyadii dhici jiray, kaddib markii ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka magaalada.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top