Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne: Reer Ceel-afweyn Nabad Diyaar Uma Aha, Waxay Diyaar u Yihiin Gacan Xanuun Badan Oo Dowladeed —Qalinka: Cabdilaahi Caarshe

Articles

Madaxweyne: Reer Ceel-afweyn Nabad Diyaar Uma Aha, Waxay Diyaar u Yihiin Gacan Xanuun Badan Oo Dowladeed —Qalinka: Cabdilaahi Caarshe

Muddo ka badan saddex sanno ayay soo jiitamaysey colaada Ceel-afweyn, oo u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah oo wada dega degaanka Ceel-afweyn iyo inta hoos timaada,colaadan oo sababtay dhimasho badan, dhaawac iyo magaalooyin laga guurey colaada ogweed.

Sida la wada ogyahay xukuumaddii hore iyo xukuumadda maanta joogta ee uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay geliyeen dedaal badan oo ku dhisan xal nabadeed, taasoo marar badan laga gaadhey heshiish, balse nasbiib darro markasta colaadii halkii ayay ka sii socotaa.

Hadaba waxaa muhiim ah in la fahmo meesha dhibto ka jirto

iyo waxyaaba kale ee lagu xalin karro colaada oo aan ahayn dariiqooyinkii horey loo maray ee ahaa xal nabadeed oo ku dhisan isfaham iyo sulux.

Aniga oo xogaal ah dhibta meesha ka jirta, kana soo jeeda degaanka Ceel-afweyn, labada beelood ee colaada dhex taallana ay yihiin abtiyadaydii iyo reerkii aan ka dhashay, runtii ah arrin nabiib darro ah, waxaan jeedin lahaa xalka maanta ee ku saabsan arrinta Ceel-afweyn, in lagu soo afjari karo oo keli ah qodoban hoos ku qoran.

Madaxweyne horta colaada Ceel-afweyn, waa mid lagu wiiqayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, sii socodkeeduna qaranka waxaa uu ku yahay dhiig bax, waxaadna ku soo afjari karaa colaada Ceel-afweyn, gacan xanuun badan oo dowladnimo, taasoo labada dhinac aan midna u tudhayn.
Madaxweyne waa in aad fahamtaa in aanay reer Ceel-afweyn diyaar u ahayn nabad ku timaada baryo iyo isu soo jiid dhexdooda ah,

balse ay diyaar u yihiin tallaabo dowladeed oo xanuun badan.

Madaxweyne waxaad ogaataa in ay joogaan maleeshiyaad hubaysan Degmada Ceel-afweyn, Dararweyne, Fadhigaab, Ceel-nimcoon, Hobol iyo Siiga-dheer, maleeshiyaadkaas oo ka soo kala jeeda labada beelood, kuwaasoo u baahan in lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda,taasoo noqonaysa in xoog hubka lagaga dhigo iyo in la qarameeyo oo lagu kala darro ciidamada kala duwan ee qaranka inta la tababaro, si loo helo nabad waarta, balse inta ay joogaan degaanka maleeshiyaad hubaysan oo saacadii ay doonaanba isku dhici kara, xalku wuu adkaanayaa.
Madaxweyne waa muhiim ah in tallaabo laga qaado cidkasta oo hurinaysa colaada Ceel-afweyn, kuwaasoo u bixinaya dhaqaale iyo tallo dagaalba.
Madaxweyne waa in labada dhinacba laga soo xidhaa inta lameenta u ah si xal loo helo.
Madaxweyne waa in degaanka Ceel-afweyn, lagu soo rogaa xaalad degdeg ah, iyada oo laga jarayo isgaadhsiinta, ciidamadana la farayo, hub ka dhigis, xadhig iyo in ay awood u yeeshaan in ay dilaan cidkasta oo amarkooda qaadan weydey.
Waa in reerkasta oo qof ka dhintay loo celiyaa magtii ama diyadii iyada oo laga qaadayo labada reer si loo kala samro.

Arrimahaa ayaa saldhig u noqon kara, nabada Ceel-afweyn, balse marnaba nabadu ku iman mayso baryo, waxayse ku imanaysaa baqdin laga boqo dowladnimada, hadii taa la helo xalkuna wuu imanayaa.

Gunaanad:

Waxaan ku soo koobayaa Ceel-afweyn, iyo dadkeedu diyaar uma aha nabad, waxayse diyaar u yihiin in ay helaan gacan xanuun badan oo dowladeed, taas baa looga fadhiyaa xukuumadda.

Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top