Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Oo Shirkadda HEMA BOOKS Ku Ammaanay Tayaynta Manhajka Waxbarashada

focus

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Oo Shirkadda HEMA BOOKS Ku Ammaanay Tayaynta Manhajka Waxbarashada

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxa uu sheegay in Imtixaanka shaahaadiga ahi uu sannadka ka wanaagsanaa sannadihii hore ee ay ardaydu u fadhiisan jireen Imtixaanka shahaadiga ah.

Guddoomiyaha Imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxa uu sheegay in markii ay waraysteen Ardaydii u fadhiisatay ay u sheegeen in uu sannadka raali-geliyay Imtixaanku.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxa kale uu sheegay in ardaydu sannadkan ku gashay imtixaanka fasallada saddexdaa iyo afraad ay ahaayeen manhajkii cusbaa ee shirkadda daabacaada ee HEMA BOOKS waxaanu yidhi “Imtixaanku waxa aad moodaa in uu sannadihii hore ka wanaagsanaa, waraysigii aanu la yeelanay Ardayda aad ayay u faraxsanaayeen, Ardaydu maalinta u dambaysa iyaga wada xanaaqsan ayay naga hor-iman jireen laakiin sannadkan Ardaydu iyaga oo wada qoslaya oo wada faraxsan ayay runtii naga hor-yimaadeen, Imtixaanku aad ayuu u raal-geliyay laba sanno ayaa laga qaadayay sannadkan Imtixaanka waxa ay ahaayeen fasalka saddexaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare waxa ay ahaayeen manhajkii cusbaa ee HEMA BOOKS inta ay dhigteen, sannadka soo socda waxa lagu gali doonaa fasalada afraad, saddexaad iyo labaad ee dugsiga sare, inta uu manhajku cusub yahay ee uu wada gaadhayo kolba inta ay ka dhigtaan ayaa Imtixaanka lagaga qaadayaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha Imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.

Shirkadda HEMO BOOKS ayaa waxa ay dadaal dheer u gashay sidii ay Ardayda reer Somaliland u heli laahaayeen manhaj waxbarsho oo tayo leh.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top