Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Kenya Oo Xafiis Diblomaasiyadeed Ka Furanaysa Magaalada Hargeysa

focus

Dawladda Kenya Oo Xafiis Diblomaasiyadeed Ka Furanaysa Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay 16 xafiis dublimaasiyaddeed ka furan doonto ku dhawaad 16 waddan oo qaaradda Afrika ku yaala. Saddexda sannadood ee soo socda.

Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya Monica Juma ayaa khamiistii ku dhawaaqday in ay dawladda Kenya furanayso 16 xafiis diblumaasiyaddeed oo mid kamid ah noqon doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland – sida uu qorey wargeyska Geeska Afrika oo ay shabakadda Barigaafrika soo xiganayso.

Xoghayaha wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya oo hadashay waxay sheegtay in jiritaankooda ay arrintani ku xoojinayaan, waxay intaasi ku dartay in sidoo kale qarankooda tallaabadani kaga ilaalinayaan faro gelinta shisheeyaha waa sida ay hadalka u dhigtee.

Ganacsatada qaadka Kenya ayaa dhowr jeer dawladdooda ugu baaqay in aqoonsi siiso Somaliland si ay qaadkooda ugu soo iib geeyaan Somaliland oo ay u arkeen suuq dihin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top