Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Koonfur Afrika Oo Soo Bandhigay Soomaali Dhawaan Dad Ku Dilay Masaajid Ku Yaalla Malmesbury

focus

Booliska Koonfur Afrika Oo Soo Bandhigay Soomaali Dhawaan Dad Ku Dilay Masaajid Ku Yaalla Malmesbury

(SLT-Cape Town)-Saraakiisha Waaxda Dembiyadda Booliska dalka Koonfur afrika ayaa soo saaray warbixin ku saabsan Weerar Nin Soomaali ahuu  bartamihii bishii hore  ka geystay Masjid ku yaalla magaalladda Malmesbury oo 65-Km Waqooyi kaga toosan Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Warbixinta ay soo saareen saraakiisha Booliiska waxaa lagu sheegay in Ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkii dhacay bishii June 14-da uu ahaa Nin dhimirka ka xanuunsan oo tan iyo sannadkii 2013-kii ay daaweyn dhinaca Dhimirka ay uga socotay Isbitaalka Cilmi-nafsiga ee Karl Bremer Hospital ee Magaaladda Bellville sida uu sheegay Afhayeenka waaxda dembi-baarista dalka Koonfur Afrika, Philane Nkwalase .

Philane Nkwalase afhayeenka booliiska Koonfur Afrika ayaa intaa ku daray hadalkiisa in ninka weerarkaasi geystay la oran jirey Nuur Caraalle oo 23-jir ahaa.

Hase ahaatee Baarayaashu waxay xuseen inaan weli la ogaanin sababta uu ninkan u geystay weerarkaasi, waxayna meesha ka saareen inuu wax xiriir ah la lahaa kooxaha xag-jirka ah.

Warbixinta ay soo saareen Booliska dalkaasi Koonfur Afrika waxay ku sheegeen in ay maydka Marxuumkaasi ku wareejiyeen Qoyskiisa, lana filayo in dhawaan la aaso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top