Connect with us

somalilandtoday.com

Abdishakur Gande-ow imaqal; Nin Abtigi Doorsaday Illah Darajo Siin-Waa. W/Q: Hanad A Yuusuf

Articles

Abdishakur Gande-ow imaqal; Nin Abtigi Doorsaday Illah Darajo Siin-Waa. W/Q: Hanad A Yuusuf

Date: 18.June.2018

Hordhac.

(Cabdishakur Galde-ow imaqal); Nin Abtigii Doorsaday Illah Darajo Siin-Waa W/Q: Hanad A Yuusuf.

Xidhiidhka Aabonimo iyo Hooyo ama wadadhalshada walaalaha marka laga yimaado waxa ugu mudan ee diiniyan iyo dhaqanka soomaali cisiga iyo sharafta lihi waa “ABTI “. Sidaadarteed, (Nin Abtigii Doorsaday Illaah Darajo Siin-waa,

Dharaartaad liidato abtigaa kuma dhaafo, Abtigu kuuma aaro se wuu kuu ooyaa oo dhaqankeena ayaa yeelay sa Dhanka kale abtigu waa qofka marwalba kudhisa kugunaleh in aad adiguna dhisto,

Waxaa dhawaqan iga keenay arin aan ku dhaygagay oo ah Waagii dhawaytee ollolaha dhexda lagaga jiray saaxiibkay

Cabdishakuur Gande ( Abdishakur Gande ) cid ka dhiiranayd dhaayo maan-saarin misana in dhawaydba ninkiiyoo dhabanada haysta oo dhawaqba laga laayahaan arkay mudo aanu boorama wada joognay misana kumasaalay labo arimood oo kala ah;

1- In la hagraday oo Halkuu u hawl-galay aanu hankiisii kasoo muuqan ilayn ( Kulmiye waa Kulmiyee) &

ilayn meel lagaa jecel yahay hadaad ka tagto meel lagaa neceb yahay baad tagtaa un ban dhaafin kari wayay,

– Nin Abtigii Doorsaday Illaah Darajo Siin-waa! alaylahe misaalkasi dhayal kumu bixin. Wallow, aan xigadhada halhayska ka bedeshay bayd kamid ahaa maansooyinkii Silsiladii “Guba” oo tuduc kamida maanso uu lahaa Qamaan Bulan oo ahayd sidan: (Nin walaalkii doorsaday, illaah darajo siin waa).

Waaban maayee xaqiiqadu miyaanay ahayn (waxaad wax kuwayday, waxaad Abtigaa uga hiilisay) eed habeen iyo dharaar ugu heelanayd fashilinta iyo guuldarada xisbigii abtiyaashaa.

Gudagal.

Anagu aragtida siyaasadeed waanu kukala duwanayn se colaad iyo nacayb uma qabo taasina waa cadahay oo wanaagiisan ba maan sheegeen,

Shakuur Inj Gande, waa shakhsi garasho duruqsanleh, oo hibo hogaamineed iyo waayo aragnimo siyaasadeed dulhoganayso markaad kulan ama sheeko isku haleeshaan waa na qof la odhan karo waa aqoon yahan waayo waa nin naftiisa, dadkiisa iyo dalkiisa ba ku anfacay wuxuu bartay taasi na waa sababtaan uleehay waa la hagraday oo hiilkuu is hiiliyay Abtigii baa haysata Caawa,

Waxbaa lagusoo hirtaayee maxaa kaasoo horeeyay? Garran maayo wax alaala wax hankaaga dhisayay o ad Kulmiye utaagertay abti se caawaba Waad ila dareemi sida Kulmiye dhexdiisa laysu hagrado”!! Intaa waxan kudaraya hadii abtiga caawa madaxwayne ahaan laha marlayba caawa maaad ahaaten quus e qarran kaabayasha in lagu cugan laha shaki kama taagnaden

Gabagabo.

Madaxwayne kuxigenka SL saylici o ad isku reer (qolo) tihiin ood waliba ku dhimato ayaaba xataa hadu kartidaada & aqoon taaada caawa Xil qarran kuugu qoondeeyo islahayn way soo dhaafaysa qolyaha kaligod muwadinte madaxtoyada cida ay jecel yiin uun usoo daaya.

Qof kujecel baan ahoo

Qiimaad igu leedahaye

Hadaanad wali quusan

Qudhaadaaba quusa ah

Hadaad qoomamaynayn

Qayrkaa soo dhex galoo

La qabso siyasada cusub

Sikastaba ha ahaate waxan kaaga tagaya odhaahda ah…nin abtigi doorsaday ilaahay darajo siin Waa.

Hanad Abdi Yuusuf

Hanadc687@gmail.com

Tel Number: 0634952822

Burco, togdheer somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top