Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaladda Guud ee Deegaanka Ceel-Afweyn oo Mar Kasta Dagaal La Filan Karo iyo Xukuumadda Biixi oo Si Buuxda ugu Fashilantay Inay Joojiso Colaaddan Ehliga Ah.

focus

Xaaladda Guud ee Deegaanka Ceel-Afweyn oo Mar Kasta Dagaal La Filan Karo iyo Xukuumadda Biixi oo Si Buuxda ugu Fashilantay Inay Joojiso Colaaddan Ehliga Ah.

(SLT-Hargeysa)-Saacaddihii la soo dhaafay waxa deegaanada Darar wayne iyo Ceel-afweyn isku hor fadhiya laba ciidan beelood oo halkaasi hore dagaalo ugu dhex mareen, ciidan beeleedyadan ayaa saaka dagaal ku dhex maray mar kale dooxa deegaanka Dararwayne. Ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan ayaa ku kala dhex jira maleeshiyo beeleedkani.

Warar kala duwan oo aanu helayno ayaa sheegay in ciidamo beeleedkani isku muuqdaan ciidamda Somaliland ay ku kala dhex jiraan. Dagaal culus oo u dhaxeeya beelahani halkaasi degga ayaa si xun looga cabsi qabaa in uu ka qarxo.

Dadka deegaanka ku sugan oo aanu xidhiidho kala duwan la sameynay waxay noo xaqiijiyeen in xaaladda deegaanadaasi ay tahay mid saansaan colaaddeed laga cabsi qabo. Ciidamada Somaliland ee la kala dhex dhigay beelahani ayaa iyagu wax taalaabo ah qaadi karin keliyana ay u furan tahay in ay kala ilaaliyaan ciidamo beeleedkan is hor fadhiya.

Ciidamo beeleedkan ayaa lagu soo waramayaa in ay isku horfadhiyaan deegaanka Dararwayne oo saaka dagaal ka dhacay. Halkan deegaanka Ceel-afwayn isna duuleedkiisa ay fadhiyaan kooxo ka tirsan ciidamo beeleedkani dagaalamaya.

Dagaalo ay ku dhinteen boqolaal ruux aya hore uga dhacay deegaanadani Dararwayne iyo Ceel-afwayn oo ay wada deggaan beelaha Habar Jeclo iyo Habar Yoonis gaar ahaan beesha Sacad Yoonis iyo Biicide. Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland ayaa iyagu ku fashilmay in ay wax ka qabtaan colaaddaha soo noqnoqaya ee halkaasi ka taagan.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda u muuqan mid diyaar u ah waxkaqabashada xaaladdan colaadeed ee ehliga, iyadoo wax ay ka qabataa ha dambaysee mararka qaar xukuumadda lafteeda lagu tuhmay inay curyaaminayso dedaallada nabadda lagu raadinayo, sidoo kale waxaa dib u dhac ku yimi safar Madaxwayne Biixi ku tegi lahaa deegaannada colaaddu ka jirto lama se garanayo sababta taas keentay, waxayse u muuqataa in illaa haatan ay xukuumaddu dhayal sanayso dagaalkan oo ay ku naf waayeen ku dhawaad laba boqol oo qof mudadii uu socday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top