Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Uu Dhalay Hoggaamiyaha Daacish Oo Lagu Dilay Dalka Suuriya

focus

Wiil Uu Dhalay Hoggaamiyaha Daacish Oo Lagu Dilay Dalka Suuriya

(SLT-Suuriya)-Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Daacish oo lagu magacaabo Xudeyfa Al-Badri ayaa lagu dilay howl gal ismiidaamin ah oo kooxda ku qaaday magaalada Xumus ee dalka Suuriya.

Sida ay baahisay Daacish wiilkan ayaa ka mid ahaa kooxo ismiidaamiyeyaal oo weeraray xarun ay Ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka ku lahaayeen Xumus.

Xudeyfa Al-Badri oo ah wiil yar ayaa wakaalada wararka u faafisa Daacish ay ku soo bandhigay sawir isagoo qori AK47 sita.

“Xudeyfa Al-Badrid (Allaha aqbalee) Wiilka Khaliifka waxaa lagu dilay howl gal ka dhan ah Ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka oo ka dhacay Wilaayada Xumus”ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Warbaahinta taageerta Daacish.

Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa ka mid ah dadka loogu doonista badan yahay Caalamka, waxaa madaxiisa saaran lacag gaareysa 25-milyan oo doollar.

Sanadkii 2014 ayuu ka soo muuqday Masaajid ku yaalla Mosul, oo isku magacaabay inuu yahay khiliifka Khilaafada Islaamiga Shaam iyo Ciraaq.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top