Connect with us

somalilandtoday.com

Qalbi Dhagax Oo Xalay Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Nairobi

focus

Qalbi Dhagax Oo Xalay Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Nairobi

(SLT-Nairobi)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa xalay fiidkii gaartay diyaarad sidday C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax,  kaasoo dhawaan ay dowlada Ethiopia kasii daysay xabsiga.

Boqolaal ruux ayaa Qalbidhagax kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta waxaana dadka soo dhaweeyay kamid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gudoomiyihii hore aqlabiyadda barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin iyo dadweyne kale.

Kadib markii uu gaaray Nairobi ayuu C/kariin Qalbi Dhagax kaga mahad celiyay dadweynihii soo dhaweeyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen ,balse qalbidhagax ayaa gacan qaaday dadkii soo dhoweeyay.

Sanad ayaa laga joogaa markii dowladda Soomaaliya ay Cabdikariin Qalbidhagax ku wareejisay Itoobiya,  waxaana dhiibitaanta Qalbidhagax loo dhiibay dowladda Itoobiya, ay dhalisay muran iyo khalkahl siyaasadeed oo ku yimi hanaanka dowladeed ee dalka, waxaana dadka qaar ay sheegeen in dowladda ay taageero badan ku weyday dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax ee loo dhiibay Ethiopia.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top