Connect with us

somalilandtoday.com

“Jidh-Dil Ayaa Ka Dhaca Jeel Ogaadeeniya” Hay’adda Human Rights Watch

focus

“Jidh-Dil Ayaa Ka Dhaca Jeel Ogaadeeniya” Hay’adda Human Rights Watch

(SLT-Jig-jiga)-Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa faafaahin ka bixinaysa sida ciidamada Ammaanka Itoobiya ay jirdilka ugu gaystaan islamarkana ay u kufsadaan maxaabiista siyaasadda ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Warbixinta oo ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyu ay ka geysteen “jeel ogaadeeniya” .

Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro xabsiga “jeeyl Ogaadeeniya” ay yihiin kuwa lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa wareysiyo ka qaaday in ka badan 100 qof, oo intooda badan ka mid ahaa maxaabiistii Jail Ogadeeniya ku xirneyd sanadihii u dhaxeeyay 2011 iyo 2018.

Dhibanayaashani ayaa ka sheekeeyay sidii loogu hor garaaci jiray maxaabista kale hortooda iyaga oo qaawan.

Mid ka mid ahaa maxaabiistii horey halkaasi ugu xirnaa ayaa sheegay in muddo 3 sano ah kaligii uu qol ku xirnaa islamarkana markii habeenkii la gaaro la soo bixin jiray si loo jirdilo.

Saraakiisha booliiska ayaa lagu eedeeyay in aysan amri jirin oo kali ah jirdilka iyo kufsiga, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan jireen.

Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegaysa in caruur badan ay ku dhisheen xabsiga Jeel ogaadeeniya islamarkana caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayen kuwa dhashay ka dib kufsi ay gaysteen ilaalada xabsiga.

Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.

Aqlabiyada maxaabiista ay wareysiyada ka qaaday Human Rights Watch ayaa sheegay in aan waligeed aan maxkamad la soo taagin oo aan dacwad lagu soo oogin.

Hay’adda Human Rights watch ayaa intaa ku dartay in jirdilka uu yahay dhibaato ka jirta dalka Itoobiya islamarkana ay soo gaaraan maalin waliba warbixinno ka hadlaya tacadiyo.

Rai’sul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa qiray in ciidamada ammaanka ay jirdil u gaysteen dad Itoobiyaan ah.

Waxaa imika sii kordhaya baaqyada ku aadan in cadaaladda la horkeeno oo lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay dacadiyadan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top