Connect with us

somalilandtoday.com

HINDIYA: Hal Qoys Oo Ka Kooban 11 Qof Ah Oo Dhammaantood Is Daldalay

focus

HINDIYA: Hal Qoys Oo Ka Kooban 11 Qof Ah Oo Dhammaantood Is Daldalay

(SLT-Hindiya)-Qoys 11 qof ka kooban oo ku noolaa dalka Hindiya ayaa meydkooda la heley, iyaga oo lagu ceejiyay xarig, lagana soo laadlaadiyay saqafka gurigooda oo ku yaala magaalada Delhi.

Booliiska ayaa heley warqad dardaaran ah , taas oo muujinaysa in ay isu dileen caado dhaqameed ay aaminsanyihiin oo ‘naf hurnimo ah’, taas oo dad badan ka yaabisay.

Qoyskan waxaa lagu magacaabaa reer Bhatia, dadka dhintayna waxaa ka mid ah nin 75 jir ah oo lagu magacaabo Narayan Devi, gabadh uu dhalay, labo wiil oo uu dhalay iyo xaasaskooda, iyo shan ilmood oo uu awoow u yahay.

Waxa ay xaafada ku lahaayeen dukaan alaabaha tafaariiqda lagu iibiyo muddo 20 sano ah.

Ma jirin saansaan in guriga loo dhacayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMa jirin saansaan in guriga loo dhacay

Dadka dariska waxa ay sheegeen in qoyska ay ahaayeen dad firfircoon oo ka qeybqaata hawlaha bulshada wada degen, mana aysan jirin qof ay dhibaato kala dhaxaysay.

Dad iyo saxaafad kusoo xoomay goobtii ay wax ka dhaceenLahaanshaha sawirkaAFPImage captionDad iyo saxaafad kusoo xoomay goobtii ay wax ka dhaceen

Waraaqaha la heley waxaa ka mid ah kuwa lagu qorey sidii ay isu dili lahaayeen qoyskan, waxaana aad u hadal haya warbaahinta dalkaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top