Connect with us

somalilandtoday.com

Dibadbaxyo Lagaga Soo Hor-jeedo Sharci Cusub Ka Socda Dalka Poland

focus

Dibadbaxyo Lagaga Soo Hor-jeedo Sharci Cusub Ka Socda Dalka Poland

(SLT-Warsaw)-Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo sharci cusub oo keenaya in 3 meeloow hal meel garsoorasyaasha Maxkamadda Sare ee dalka Poland ay xilka ka dagaan ayaa ka dhacay dalka magaalada Warsaw.

Lech Walesa oo ka mid ah dadkii aas-aasay Abaal-marinta Nobel Prize ayaa ka mid ahaa dadkii magaalada Warsaw iskugu soo baxay. Dad badan oo isku yimid ayuu u sheegay in hogaamiyeyaasha midigta fog ee hadda talada dalka hayaa ay xilka ka degaan.

Waxa uu yiri “Kii jabiya dastuurka iyo kala qeybsanaanta awooddu waa dambiile. Waa in wax kasta oo awooddeena ah aan sameynaa si aan dadkan shaqada uga erino oo dad kale aan u doorano.”

Walesa waxa uu saadaaliyey in talaabooyinka ay dawladani qaadaysaa ay dagaal sokeeye horseedayaan.

Ra’iisal Wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa Arbacadii shalay difaacay go’aanka hoos loogu dhigayo da’da hawlgabka ee garsoorayaasha Maxkamadda Sare

Mroawiecki ayaa sheegay in isbeddel dhinaca caddaaladda ah loo baahan yahay, caddaaladuna waa inay noqotaa, buu yiri, mid shacabka Poland ay la xisaabtami karaan. Beddelidda da’da hawgalka ayuu ku sheegay in dastuurka ay waafaqsan tahay. Dalalka kale ee xubnaha ka ah midowga Yurub ayuu ku eedeeyey in ay olole ku hayaan dawladda uu shacabku soo doortay ee Poland.

Hase yeeshee, hogaamiyeyaahsa Midowga Yurub ayaa arrintan diiday, iyaga oo sheeegay in dimqoraadiyadda dalka Poland ay khatar ku jirto, isla markaana xukuumadda midigta jirta ku eedeeyey inay doonayso inay gacanta ku dhigto maxkamadaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top