Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Mar Kale Saaka Ka Qarxay Deegaanka Ceel-afweyn Oo Sababay Dhimasho

focus

Dagaal Mar Kale Saaka Ka Qarxay Deegaanka Ceel-afweyn Oo Sababay Dhimasho

(SLT-Ceel-afweyn)-Wararka aanu ka helay deegaanka Darar-weyn ee degmada Ceel-afweyn ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu markale dagaal ka dhex bilaabmay Beelaha walaala ah ee Colaadu ka dhaxayso ee Deegaanka Ceel-afwayn.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal qof waxaanu ku dhaawacmay ee hal qof oo kale sida ay warar xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen warbaahinta Barigaafrikanews.com.

Ciidammada qaranka ee ku sugan deegaankaasi ayaa la sheegay inay kala dhex-galeen, waxa ay wararku sheegayaan in uu dagaalku istaagay.

Muddooyinkii u dambeeyay wax labadan Beeleed Sacad Yoonis (Habar-yoonis) ah iyo Biciido oo (Habar-jeclo) ah ka dhex taagnaa saansaan colaadeed.

Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE ayaa ku guul-darraysatay inay nabad waarta ka dhex dhaliyaan labadan beelood ee wada dega deegaankaasi oo ay colaadoodu daba dheeratay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top