Connect with us

somalilandtoday.com

“Waan Xanuunsanayaa Oo Nabarro Ayay Igu Dhufteen, Dhakhtar In Laygeeyanna Waydiideen…..” Suldaan Cunne

focus

“Waan Xanuunsanayaa Oo Nabarro Ayay Igu Dhufteen, Dhakhtar In Laygeeyanna Waydiideen…..” Suldaan Cunne

Hargeysa (Somalilandtoday)-Suldaan Maxamed Muuse (Cunne) oo kamid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, kaasi oo xukuumadda Muuse Bixii ay Xabsiga dhigtay, ayaa carrabka ku adkeeday inay isu-raaceen xannuun neerfayaasha ah oo haya iyo jidh dil lagu sameeyey .

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in loo diiday ehel iyo cidkasta oo soo booqata xaaladdiisa nololeed.

Suldaanku wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi kooban oo uu siyey Wariye Safiya Cismaan oo ku sugan dalka Ingiriiska“Waan xanuunsanayaa oo nabarro ayay igu dhufteen habeenkii lay qabanayay oo aan immika la il-daran-nahay.Sidoo kalenna Gacanta middig way i jabantay, Xannuun neerfayaasha ahina oo xunna waa i hayaa xaaladda caafimaad darro ahina way I haysaa oo in dhaqtarka la ii geeyaanna wey diideen qolyaha xabsiggu.”Ayuu yidhi Suldaan Cunne

Sidoo kale, wuxuu sheegay in cidkasta oo noloshiisa iyo xaaladiisa ka soo war doonta loo diiday“Waxa la ii diiday inuu ehelkaygu isoo booqdo, oo dadka kale isoo booqdaan. Dhammaan cidkasta oo isoo booqata waa laydiiday oo meeshabba waa laga helinayaa.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cunne

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top