Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay 92 Jir Ah Oo Maraykanka U Dhalatay Oo Dishay Wiilkeeda

focus

Haweenay 92 Jir Ah Oo Maraykanka U Dhalatay Oo Dishay Wiilkeeda

(SLT-Washington)-Haweenay 92 jir ah oo Maraykanka u dhalatay ayaa toogasho ku dishay wiilkeeda oo 72 jir ah, iyada oo ka cabsanaysa in uu geeyo meel dadka waawayn lagu xannaaneeyo, sida ay booliisku sheegeen.

Anna Mae Blessing oo lagu soo oogay dil ayaa filaysay in wiilkeedu uu doonayo in uu geeyo meel dadka waawayn lagu xannaaneeyo maalinkii, sida ay muujinayso macluumaad maxkamadda laga helay.

“Naftaydaad qaaday, sidaas daraadeed ana taadaan qaadayaa,” ayaa la sheegay in ay tiri haweenaydu markii laga saarayay guri ku yaalla Arizona oo ay kula noolayd wiilkeeda iyo gabadh saaxiibbaddii ah.

Blessing ayaa booliiska u sheegay in ay doonaysay in ay iyaduna is disho.

Dhacdadan ayaa subaxnimadii 2 Luulyo ka dhacday Fountain Hills oo ka tirsan deegaanka Maricopa, sida ku qoran xog booliis oo saxaafadda gudahu heshay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top