Connect with us

somalilandtoday.com

Tayadda Wadooyinka Iyo Shilalka Baabuurta Jsl

Articles

Tayadda Wadooyinka Iyo Shilalka Baabuurta Jsl

Si guud qaabdhismeedka wadooyinku marka la design garaynayo waxa loo qaybiyaa laba (Rigid pavement iyo flexible pavement )

Rigid pavement oo ah waddo la ga sameeyo shub(concrete) oo birro na wata (reinforced) taas oo inta badan laga sameeyo waddamada leh khayraad sibidhka,amma warshad sibidh , madaamoo sibidh badan uu ku baxayo. waxa badi laga isticmaali karaa meelwalba ,tayadeeda iyo jiritaankeedda(design life) ayaa aad u dheer lakiin waa qaali kharash badan ayaa kubaxa

oo ah kuwan aynu hadda isticmaalno ee daamurkaa. noocan oo loogu isticmaal badan yahay madaamoo meelaha qabooy iyo meelaha dhexdhexaadkaa ee aan aadka u sii kulayl laga isticmaalo , umafiicna in laga isticmaalo melaha aadka ukulul iyo meelaha robabka badan kada’o , labaduba waxay keenaan failure of pavement (oo ah in lakabka sare meesha ka baxo) waana laga badbaadin karaa haddi loo sameeyo biyo saare (drainage) ku haboon oo tayo leh

Tayadda wadada. Waa in waddada loo dhamaystiro baahiyaha aasaasiga u ah waddada sidda in ay waddadu nabgalyo noqoto , oo shilaalka ka dhacaya loo ga sii horta go qaab cilmiyaysan , in waddada laga badbaadiyo biyaha roobka loona sameeyo biyo saare ku haboon (drainage) , in waddada qaro (thinkness) loo yeelo iyadda oo labadinayo qaradda lakabka ugu hooseeya (sub grade) iyo lakabka ka sareeya oo layidhaahdo (sub base) kaas oo ka kooban carrokaawo .

waa in la ilaaliyo sidoo kale qodobadan hoos ku xusan:

1) in waddada hareeraheedda marka muddo lasocdoba laga helo parking haddii baabuurku isaga oo socdda cilad ku timaado si loogu hagaajiyo safarkiisana uu sii wato

2) waa in lakabka sare ee wadadu noqdo mid ilaashan ka ilaashan biyaha iyo waxa lamidkaa ee daloolada (path holes) u yeelaya islamarkaana waa in lagu qoro calamadiihii wadada sida meesha ay tahay in ay dadku maraan markay doonayaan in ay ka gudbaan si dirawalku u yareeyo xawaaraha uu ku socoddo gaadhigu

3) in dhamaan shayyadda wadada lugu dhisayo sidda daamurka ,jaydda ,IWM , lasoomariyo shaybaadhka wadooyinka sida in lasameeyo penetration test oo ah jeegaraynta adkaanshiyaha lakabka sare ee waddada

4) wadooyinka u dhaw iskuuladda ee caruurtu ku badantahay waa in ladhigo (rubble speed breaker) oo ah caag sidda askari jiifaha oo kale ah , kaasoo waddada aan waxba yelayn lakin waa in askari jiifa aan la isticmaalin dhibatooyin buu leeyahay kuwaasoo keena burburka wadooyinka

BAABUURTA oo sanadaddii ugu danbeeyay ku soo badanayay guud ahaan somaliland gaar ahaana casimadda hargaysa ayaa intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018 waxa uu kordhay xaddiga baabuur ee lagu wato somaliland dhexdeeda 36% taas oo u dhigmaysa 34,000 kun oo baabuur. Oo soo kordhay saddexdaa sano .halka wadooyinka cusub ee lajeexay saddexdaa sano amma laga balaadhiyay inteeddii hore ee casimadda gudaheeda gaar ahaan wadoyinka halbawlayaasha ah ee isku xidha shanta dagmo iyo waliba kuwa isku xidha xaafaddaha wawayn iyo suuqyadda magaaladda waa qaar tiro ahaan aan u cuntamin in ay ku filnaadaan xaddigaa baabuureed ee aynu kor ku soo xusnay si saxmadda badan ee shilalka keenta looga hortago , inta ladayac tiray kuma jirto .inta waddo ee ladayactiray aad ayay u badantahay , se waxa iswaydiin mudan qaabka loo dacyactiraa mayahay mid waariya waddoyinka ? , wax yaabaha usoo kordhay dawladda hoose ayaa ah warshadda karasharka oo u eeg bilaw cusub . qalabka iyo gadiidka loo isticmaalo oo isna ah midd tayo leh ,adaba maxa wadoyinkeena ka dhigay galin jir dayactirka kadib?!!

Shuruucdda mashaariicdda engineering ka waxa ka midda in wax walba lagu sii dul ogaado warqadda dusheedda(on paper) intaan mashruuca labilaabin , waa in lasii ogaado in ta ay jirayso waddadani, kharashka ku baxaya iyo intacisho ee ay ku dhamaanayso iyo waliba inta shaqaale ee loobahanyahay , dad aqoon u leh kabayaasha daqaalaha ee dhismaha jidadku ka midka yahay waa in ay mashruuca qacanta ku hayaan

Shilalka baabuurta wadankeena laba arimood baa keena

Mid waxay ka timaadaa xagga dirawalka midna xaga waddada qaabdhismeedkeeda

xagga dirawalka

1) aqoonla’aan calamadaha wadoyinka iyo babuurkaba :dirawalo badani waxay ku bartaan calamaddaha wadooyinka kadib marka ay dhawr shil ku dhaacaan

2) dirawalku waa in uu ahaaddaaa mid aragiisu badqabo iyo guud ahaan lixdiisa laxaad

3) Cadhadda ,cabsida ,iyo murugadaba ee dirawalka iyo waliba xalado nafsiya oo qaarkood ay sababaan balwaduhu sidda qaadka ,sigaarka IWM

4) suunka gaadhiga(paylka) oo anay xidhan badi dirawaliintu iyo telefoon ay isticmaalaan iyagoo wadda gadhiga

5)xawaare xad dhaafa

Xagga waddada

1) parking la’aan: haddi babuurka cilad gasho meel lagu hagaajiyo oo aan jirin

2. wadooyinka oo badi aan lahayn laydh habeenkii waliba gaar ahaan meelaha ugu badan ee shilalku ka dhacaan oo ah meelaha laabidda ah (horizontal curves ) oo ay dhacdo in qaar babuurtaas ka midii waddaba ka baxaan

3) path holes(godad) uu sababay roobku

4) wadooyinka oo aan lahayn amma ay aad u yar yihiin in ta leh calaamadda wadooyinka sida lay manka kala sooca ( solid lines & break lines)hadadka wadada(lanes) caasimadda hargaysa dhexdeeda waddada dhaxtarka wayn hormarta inyroo kamida ayaa leh

5) jaangoyn la’aanta xadi xawaare( speed) oo ay tahay babuurtu in ay ku socoto ,baaburta qaar ayaa casimadda dhexdeeda ku mara 120, waddada dhismaheeda marka ladhamaystiro waxa la raaciyaa caalamka inta ugu badan ee gaadhigu ku soconkaro (maximum speed). waa in xukuumadda haayadda u qaabilsan hawshan jaangoyso , si shilalka loo yareeyo waliba waxa ubadan gaawadhida iskaga kale goosha goboladda oo inta badan shilalka ka dhacaa badan kooda xawaaraha ay ku socdaan oo sareeyaa uu sabab uyahay

6) cidhidhiga wadooyinka amma in wadooyinka hareerahooda baabuur lagu dhigto, .kadib wadada la soo dhuubo

Ugu danbayn waxa keeni kara shilalka baabuurta dabaylo ,duufaano iyo roobab mahiigaana taasoo laxidhiidha cimiladda , ilaahay awoodiisa ah , bini aadamkuna aanu wax ka qaban Karin

Anoo soo xiganaya natiijo iiga soo baxday research amma cilmi baadhis akaadimiya oo aanu waddar ku samaynay bishii may 2017 kasoo jaantuskiisu ahaa xidhiihka ka dhexeeya tayadda wadooyinka iyo shilalka baabuurta(quality of roads and car accidents in Hargeisa) .gorfayn badan ka dib si caalamiya iyo si maxaliyaba waxa noo soo baxay marka wadankena loo eego waxa ugu badan ee sababa shil baabuur in uu yahay xagga tayadda wadooyinka iyo socodka xoogan ee baabuurta (over speed) taasoo doorka xukuumadeenu yahay in ay amar kusoo saarto in layeereeyo xawaaraha socodka baabuurta .si nafo loo badbaadiyo , tayadda wadooyinkana xil iska saarto

QORMADDA LABAAD

W/Q: Eng abdiladif mohamed cirday

abdiladifcirday@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top