Connect with us

somalilandtoday.com

“Siyaadda Qofka Aan Saxiib Ku Lahayn Ee Dadka Marku Ku Danaysto Saydhiya Wuu Ku Khasaara”Proff Cabdi Cali

advertise

“Siyaadda Qofka Aan Saxiib Ku Lahayn Ee Dadka Marku Ku Danaysto Saydhiya Wuu Ku Khasaara”Proff Cabdi Cali

(SLT-Hargaysa) Agaasimihii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Cabdi Cali ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu kaga hadlay sababaha dhaliya inuu hoggaamiyuhu fashilmo. Hoos ka akhriso.

Are you confused?!! Immikaba ogow!!!
————————————-
Mid baanu is yara waryaysanay; kuye waar Cabdo bal warran; u yar warramay; waxna dusha ayuu kala socday; marku iga guray ayuu ku soo khatimay: waar bahasha siyaasadi saaxiib ma laha; waxan ku idhi waar waad dawakhsan tahaye, waa diblomasiyadda ta aan lahayn saaxiib joogto ah; ee la yidhi waxay leedahay dan joogto ah.

Diblomasiyaddu waa ta shisheeyuhu ku wada dhaqmaan ama loo yaqaan foreing policy; laakiin siyaasadda waddanku (domestic politics) waxay ku dhisan tahay-ba waa saaxiibtinimo!!!Waliba aan kuugu daree ninka aan saaxiibbo ku lahayn siyaasadda gudaha; waliba saaxiibbo ay daacad isu yihiin xaalad kasta, waxaad ugu bushaaraysaa inuu ku saaqidayo siyaasadda; anigaa ku idhi taa ; someone can say this with authority; if he knows waht he is saying.

Macnaha waxan ka wadaa dadka markaad muraadkaaga ka dhammaysato ma saydhin kartid; markaad u baahatana uma yeedhan kartid; Hadii sidaasi dacdo waa shisheeye wada yaal; dadka ayaaba ka xun hoggaanka markan oo kale; labada dhinacba waxay noqdeen diplomats; iga qor rajo ma leh waddankaasi; waayo waa laysku danaysanayaa ee waddan lama dhisayo; dee waaba shisheeye wada yaal oo kala danaysanaya; iyagaaba ka horreeya dadku hoggaankooda; waxay kula socdaan ishaafalato.

Waddan waxa dhisa kara koox saaxiibbo ah oo shaqsiyan isu taqaan; qof aad dabeecaddiisa taqaan, dabcan qofkaas aqoontiisa iyo waxbarashadiisana waa taqaan; Politics-ka xil looma dhiibto qof aanad shakhsiyan aqoon; macnaha koox aan is aqoon ma noqon karaan hoggaan dawladeed ama xukuumadeed; marka xisbigu guulaysato wasiirada suuqa kama qoran karo; ama ma odhan karo Cv-yada ha la keeno;Cv-yada kama qabto dad waageeni ah oo loo keenay immika; waa in uu noqdaa wasiirku qof aad shaksiyaddiisa aad u taqaan; dabcan qofkaad taqaan waxbarashadiisana waa taqaan; Politics-ka anigu sidaas baan u aqaannaa ee adigu sideed u taqaan!!!!

Abdi;Civil society activist;

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top