Connect with us

somalilandtoday.com

SANAAG: Qoys Ka Kooban 9 Qof Oo Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen

focus

SANAAG: Qoys Ka Kooban 9 Qof Oo Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen

(SLT-Xingalool)-Sida uu BBC u sheegay Dr. Cabdirisaaq Cabdillaahi Aw Yuusuf, qoys ka oo ka kooban 9 xubnood ayaa habeennimadii 30ka Juun cabay wax loo malaynayo inay ahaayeen caano ay ku sumoobeen.

Dadkaas oo ku nool deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa sida uu dhakhtarku sheegay waxaa subaxnimadii la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla isla deegaanka, halkaasoo daryeel caafimaad loogu fidiyey.

“Dadka qaarkood Kooma ayey ku jireen, qaarna kuma aysan jirin, markii aan baarnayna waxaan ogaannay inay isticmaaleen wax ay ku sumoobeen” ayuu yidhi Dr Cabdirisaaq.

Xarunta caafimaadka ee Xingalool ee qoyska lagu dabiibayoLahaanshaha sawirkaMOHAMED SALAH/FACEBOOKImage captionXarunta caafimaadka ee Xingalool ee qoyska lagu dabiibayo

Baaritaan intaa dhaafsiisan ayuu sheegay in lagu sii samayn doono, oo sheybaar loo diri doono dheecaanno iyo dhiigagba, wuxuuse intaa ku daray inay haysato dhibaato xagga dawada ah, isagoo sheegay in dawadu ay gabaabsi tahay.

Xaaladda dadkaas ayuu sheegay in hadda ay ka soo fiicnaaneyso sidii ay ahayd markii la keenay xarunta caafimaadka.

Waxaa la rumaysan yahay in xoolaha caanaha laga lisay ay ahaayeen kuwo dawooyin la siiyey.

Source: BBC Somali

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top