Connect with us

somalilandtoday.com

Qadar Oo Maal Galinaysa Dekedaha Soomaaliya Iyo Wafti Culus Oo Muqdisho Yimi.

focus

Qadar Oo Maal Galinaysa Dekedaha Soomaaliya Iyo Wafti Culus Oo Muqdisho Yimi.

(SLT-Muqdisho)Wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ujeedka socdaalkooda yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen maalgashi lagu sameeyo Dekedaha Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan wafdigan ayaa kulamo la leh Madaxda dowladda Soomaaliya, sida Raysal  Wasaaraha, iyagoo kala hadlaya arrimaha maalgashiga, gaar ahaan Dekedaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay tagi doonaan magaalooyinka xeebaha ku yaalla, sidii ay u qiimeyn lahaayeen dekedaha ku yaalla magaalooyinka istiraatiijiga ah.

Qatar oo ka faa’ideysaneysa xiriirka dhow ee la leedahay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la soo baxday tallaabooyin cusub oo ay xiiso ugu yeeleyso loolanka loogu jiro Dekedaha Soomaaliya.

Xiisadda u dhaxeeyay dalalka Khaliijka ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, tan iyo markii Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka u jareen Qatar.

Loolanka loogu jiro Dekedaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid weji cusub yeelanaya, iyadoo markii hore loolanka u dhaxeeyay Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo maamula Dekadaha Muqdisho, Berbera iyo Boosaaso.

Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal  Wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga Afarta Dekadood, waxaa loo arkayay inay soo baxeen fursado cusub oo lagu maalgashan karo Dekedaha Soomaaliya, isla markaana Itoobiya ay ka noqoto suuq-geeye.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top