Connect with us

somalilandtoday.com

Barnaamijka Galka Baadhista Ee Idaacada VOA Oo Fashiliyay Hub Badan Oo Ay Soomaaliya Soo Iibsatay

focus

Barnaamijka Galka Baadhista Ee Idaacada VOA Oo Fashiliyay Hub Badan Oo Ay Soomaaliya Soo Iibsatay

(SLT-Muqdisho)-Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii aynu soo dhafanay kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho. Hubkan ayaa ka kooban qoryaha AK47 oo la ii sheegay inay gaadhayaan 300 qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo millatari.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya.

Waxaa kale oo su’aali ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

VOA waxay la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti, wasaaradda amniga ee Soomaaliya, madaxa nabadsugidda gobolka Banaadir iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaantood ay ii suurtogeli weyday inaan ku qanciyo inay ka hadlaan arrintan, Halkan hoose kaga boggo

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top