Waligay buug wax kama baran – waxa aan u jeedaa buug aan akhriyey; waxba kama baran – Waxa aan wax bartaa, marka aan dhiganne qoro. Sidaa waxa yidhi Peter Drucker.
2500 sanno ka hor, Aristotle waxa uu ku dooday insaanku in ay wax ku bartaan matalista – Imitation. Marka hore caqliga ayaa abuuraya humaag, fikirkaa ayaa kadib loo bedelayaa muuqaal iyo mayee marka horaba muuqaalkaa – deegaanka – ayuu qofku fahmayaa, markaas ayuu fahankaas u bedelayaa muuqaal. Matalista way isku raceen; asalka matalista ayay ku kala leexdeen Aristotle iyo macalinkisii qabka waynaa ee Plato.
24 sanno ka hor Magaladda
Parma ee Italy, ninka ku takhasusay maskaxda ee Giacomo Rizzolatti ayaa gaadhay ugu dambayntii gunaanadkii Aristotle, ee ahaa insaanku in ay wax ku bartaan matalista. – Imitation. Rizzolati waxa uu soo saaray unug maskaxda ku jira oo la yidhaa Mirror Neuron. Unugaa shaqadiisu waxa weeye fal-celin in uu ku sameeyo afcaasha hortiisa ka dhacaya.
Haddi qof ku horfadhiyaa uu hindhiso, waxa ay u badan tahay adna in aad hindhistid. Qof kusoo eegayaa hadduu qoslo, maskaxdaadu waxa ay ku faraysaa adna qosol. Haddii aad aragtid qof soo orday, orday orday, si uu gaadhi gaadhi, kadibna adigoo arkayo gaadhigii ka dhaqaaqo, waxa aad dareemaysaa, lugooyadda uu dareemayo.
Matalistu waa habka aqoonta loo kala xiwisho. Faylasuufyadii Reer Britain, waligood waxa ay ku doodi jireen, cilmigu waa rogosho – Empiricism. Maraykan-kuna waxa ay qateen dhugashada, oo ay ula baxeen Pragmatism. Fikirkani waxa weeye: Waxba maskaxda ha daalin. Hareerahaga eeg, akhri oo dhuux. qaado wixi macaash leh, wixii qarabani iska qub. Shiinuhu wuxuu qaatay Re-engineering. iyana waa shadow of a shadow.
Dugsiyadda Somaliland iyo Afrika intooda badan, wali waxa ka guuxaya dayaankii ay gaadhsiiyeen raggii birta dhalaalin jiray, ee horaantii qarnigii labatanaad isu qaawiyey in ay qabeeyaan insaanka. Henry Fayol oo qodi jiray macdanta, Frederick W. Taylor oo naxaasta shiili jiray iyo tumaalkii Henry L. Grant ayaa dajiyey nidaamkii ugu horeeyey ee lagu maamulo dad aan dagaal iyo diin usoo bixin bale, hunguri soo saaray iyagoo bedelan raba dhidid.
Naxaasta nin dhalaaliyaa marka uu noqdo macalinkaaga. Adna waxa aad noqonaysaa bir la shiilayo oo kale. Qof kasta oo qarnigii hore dugsi soo fadhiistay wuu dareensan yahay cabudhintii uu kala kulmay fasaladda. Fadhiiso oo ha hadlin, waxa ay ahayeen dubaha madaxa lagaga garaaci jiray. Ardayga in loo arko weel la qorqorayo, waa dhaqan kasoo farcamay birta iyo naxaasta. Maskax garaacista ay tumaaladaasi kusoo biiriyean caalamka, rag ayaa ka qabtay. Elton Mayo iyo Maslow ayaa aan xusi karaa ragii iftiimiyey karamadda basharka iyo in aan la qiimo tirin insaanka.
Mayo iyo Maslow waxa ay iftiimiyeen mudnaanta uu leeyahay ikhtiyaarku. Afkaartoodu waxa ay noqdeen kuwa kasoo gudbay warshadaha, una soo talaabay dugsiyada. Ilayskaa waxa wakhtigan gudbiya Ken Robinsan. Sir Ken waxa uu dahaadhka ka qaaday caruurtu in ay yihiin midho bacrimismaya, oo u baahan arxan iyo iftiin balse, aan rabin jujuub iyo qoor qabasho.
Reer Sweden waxa ay ku maah-mahaan “Barnen ar maskrosor men nagra ar orkideer”. Xigmadani waa weeye: Caruurtu waa ubax, cadceed iyo biyo haday helaan, iyaga ayaa koraya, waxa jira lakiin kuwo kooban oo markaa u baahan arxan. Haddii ay helaan daryeel waxa ay noqonayaan hal-door, haddii la jiidh-jiidhana waxa ay noqonayaan budhcad.
Qolyaha hida-sida’ha bartaa waxa ay ogaadeen wanaaga iyo xumaanta cida samaysaa in ay yihiin hal nooc oo ka mid ah insaanka, kuwaas oo wadaaga hal hide-side oo loo yaqaan DRD4-7R. Dadkuba way qabaan DRD4 ee farqiga ayaa ah 7R. Maah-maahda reer Sweden iyo culumadda hida-ha bartaa waxa ay gadheen isku gunaanad.
John Taylor Gatto waxa uu ahaa macalin 30 sano gudbinayey waxbarasho uu uu markii dambe u bixiyey dhaan-dhaamid. Taylor oo cafis waydiistay caruurtii uu caqliga kaga ciyaaray, waxa uu yidhi. Tacliintani waa mid loogu talo galay dadka in lagu addoonsado; waa mid qofka laga weerarayo xubintiisa ugu muhiimsan oo ah caqliga. Qashin ayaa looga buuxinaya qaybta hoose ee caqliga – Subconscious. Ardaydii oo jeclaysanaya macalinka, ayaa jilis la garacayaa, waxa la odhanayaa xiisadii way dhammaatay. Sugaan bay ku jireeen, saynis baa loogu xejinayaa iyadoon nasasho dhicin.
Laba shay oo isku lidi ah, degdeg in aad ula kulantaa, waxa ay khalkhal galinayaan dareenka qofka. Dawashada kubada cagta ayaa ciladdan oo kale leh, iyadoo kooxdadii weerar ku jirta oo aad macaan-sanaysid, ayaa hadaf laga dhalinayaa kooxdii aad tageersanayd, markasaad dareen ahaan dumaysaa. Jiliskaa la garacayo, saacadda isku midka ah ee nusasaacaha loo baxo iyo dhaqan kasta oo lagu qabatimayo qofku waa Pavlovian Conditioning.
Taylor waxa uu xusay dugsiyadda gaarka loo leeyahay in lagu baro caruurta manhaj ka gadisan kii uu isagu u gudbin jiray dugsiyada dawladda ee New York. 14 qodob ayuu xusay oo ay ku kala duwanayeen dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Maraykanku. qodobadaas waxa ka mid ah: Ardayga in la geeyo goobaha shaqadda, dawlada, maxkamadaha. Ardayda in la dhiso jidh ahaan. Ardayda in la baro bulshada ay la nool yihiin. Ardayda in la baro hadalka. Google-garee hadad xiisaynaysid.
Thomas Aquinas waxa uu yidhi barashaddu waa laba nooc oo kala ah: Akhris iyo socod. kadib wakhti dheer oo aan badhitaan ku samaynayey waxbarashadda, waxa aan ogaaday labadaa qodob ee Aquinas xusay in ay yihiin laba dariiq oo jiifa – Passive. Laba dariiq oo soo jeeda ayaa jira oo kal ah: In aad wax qortid iyo in aad hadashid.
Walaahu Yaclam
Axmed-xiis Dharbaan
La-taliyaha Arrimaha Waxbarshadda ee Dr Abdurahman M. Abdullahi
Nantes France
dharbaan01@gmail.com