Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Shaaciyay Inay Hakiyeen Weerarada Ka Dhanka Ee Xutiyiinta Yemen

focus

Imaaraadka Carabta Oo Shaaciyay Inay Hakiyeen Weerarada Ka Dhanka Ee Xutiyiinta Yemen

(SLT-Dubai)-Dowlada imaaraadka carabta ayaa sheegtay in la hakiyey duulaankii ay xulufada ay sucuudigu horkacayaan ay ku hayeen magaalada Hudeyda

Dowlada Imaaraadka ayaa arrintan ku micnaysay in ay looga gol leeyahay si fursad loo siiyo dadaalada nabadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in joojintani fursad lagu siinayo dadaalka Qaramada Midoobay ee ku aadan in si shuruud la’aan ah ay Xuutiyiinta uga baxaan magaalada Xudeydah.

Qaramada Midoobay ayaa horey uga digtay dagaalka magaalada Dekadda leh ee Xudeydah.

Gargaarka bina’aadanimo ee dalka Yemen ayaa waxaa intiisa badan ka soo dagaa dekadda magaalada Xudeydah.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada ayaa kulamo la yeelanayay dhinacyada ay colaadda ka dhaxayso si looga hortago in dagaal culus uu magaaladaasi gudaheeda uu ka dhaco.

Balse wararka ayaa sheegaya in magaaladaasi uu dagaal ka socdo islamarkana wax gargaar ah uusan gaarin muddo labo toddobaad ah.

Xulufada Sacuudiga ayaa waxa ay rumaysan yihiin in magaalada Xudeyda uu Xuutiyiinta uga soo dago hub iyo saanad kale.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top