Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika Oo Ku Shiraya Dalka Mauritaniya

focus

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika Oo Ku Shiraya Dalka Mauritaniya

(SLT-Mauritaniya)-Hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa maanta ku shiraya magaalada Nowkot ee dalka Mauritaniya, waxaana lagu wadaa in ay ka arrinsadaan arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo xasiloonida qaaradda, ganacsiga xorta ah ee ay dhawaan ku heshiiyeen iyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa ururka midowga Afrika.

Waxaase intaasi dheer musuqmaasuqa hareeyay qaaradda oo balaayiinta doolar lagu lunsado.

Gudoomiyaha golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegaya in ku dhawaad 50 bilyan oo lacago sharcidaro ah ay sanad walba qaaradda isaga gudubto.

Kulanka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ujeedadiisu tahay in la joojiyo hubka Afrika loo soo dhoofiyo marka la gaaro sanadka 2020.

Colaadaha ka jira Suudaanta koonfureed, Jahmhuuriyada Bartamaha Afkrikada Dhexe iyo dalka Conngo ayaa sidoo kale lagu lafa guri doona shirka.

Madaxweynaha Faransiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale loo balansan yahay inuu la kulmo hogaamiyayaasha shan wadan oo galbeedka afrika ah kuwaasi oo dhistatay ciidamada isku dhafka ah ee loo yaqaano G5 Saxil.

Shirka ayaa kusoo aadaya kadib uun markii dagaalyahano islaamiyiin ah ay weerareen saldhiga ugu weyn ee ku yaala Mali, halkaasi oo ay ku dileen lix ruux.

Ciidamada isku dhafka ah ee G5 ayaa afar sano ka hor loo aasaasay si ay ula dagaalmaan kooxaha xagjirka iyo tahriibka sharcidarada ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top