Connect with us

somalilandtoday.com

Tabliiqiyiinta Jeegaanta Iyo Wacdiga Ay Jeediyeen…W/Q Sakariye Awaare

Articles

Tabliiqiyiinta Jeegaanta Iyo Wacdiga Ay Jeediyeen…W/Q Sakariye Awaare

Tabliqiyiin Jeegaanta ah oo ay hoggaaminayaan Ina Guribarwaaqo iyo Ina Cali Bile ayaa Jawlad qaaday, waxay ku baxeen Guri ay ku kulmaan Jeegaanta bahdeeda Miyiga ee Xukuumaddii hore haysatay. Dabeeto goor bacdal casar ah ayay soo galeen Gurigii waxa hadalkii bilaabay ina Cali Bile.

-“Walaalleyaal waxaanu idinka soo booqannay Madaxtooyadeenna iyo Wasaaradda Warfaafinta. Hadal ina anfaca adduun iyo aakhira ba aynu walaalkeen Wasiir Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ka dhegaysanno”.

Dabeeto Wasiirkii ayaa bilaabay:

“Walaalleyaal Waxa aynu ku walaalownay kelmadda Jeegaan. liibaanteenna Kulmiye iyo liibaanteenna Soomaalilandna waxa ay ku jirtaa innaga oo xoojinna taageerada iyo difaaca xukuumaddeenna.

– Walaalleyaal:
Afar waa la yaraysanayaa.
Afarna waa laga dheeraanayaa.
Afarna la badsanayaa.

Afar waa la yaraysanaayoo.
1- Shirka Gacan-libaax iyo hadal hayntiisa waa la yaraysanayaa,
2- Akhriska qoraallada Ibraahin-hawdna waa la yaraysanayaa,
3- Doonista musharraxnnimada Xisbiga Kulmiyena waa la yaraysanayaa,
4- Daawashada Saab TV-na waa la yaraysanayaa.

Afar waa laga dheeraanayaayoo:
1- Taageerada Xisbiga Waddanina waa laga dheeranayaa.
2- Canbaaraynta Dawladda Jabbuuti waa laga dheeranayaa.
3- Tilmaanta qabyaaladdeennana waa laga dheeranayaa.
4- Dhalliisha Madaxweynaha Muuse Biixina waa laga dheeranayaa.

Afar waa la badsanayaayoo:

1- Taageerada dagaalada Ceelafweyn iyo Tukaraq ka socda waa la badsanayaa.
2- Codsiyada shaqaalaynta Dawladdeenana waa la badsanayaa.
3- Boobka hantida qarankana waa la badsanayaa.
4- Ammaanta Madaxweynaha iyo Hagbaddeenana waa la badsanayaa.

Wasiirku wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey. Walaalleyaal beryahan idinka laftiinnu waad naga yara cadhaysnaydeen oo waxaad badsateen la socodka qoladaa reer Gacan-libaax iyo Reer Awdal. Gobalka Soolna deris ayaad la tihiin ba.
Walaalleyaal berigii hore Markaad Hargaysa timaaddaan Daantayada ayaad ku soo degi jirteen imikana xaggaa iyo xaafadaha Star iyo Masallaha ayaad u badan tihiin, shayddaan ayaa idin qaaday ee soo noqda.
Imikiyo haatanna Wacdiga arrimaha iyo danaha Jeegaanteennu wuxuu ka socdaa masaajiddada ku yaalla Xero-awr iyo Jigjiga-yar ee diyaar ma u tihiin in aad na raacdaan oo nala dhegaystaan ammaanta Xukuumaddeenna oo aad ka soo hadhaan cadowgeenna.

Dabeeto dhammaan waxa ay yidhaahdeen mustacidiin iyaga oo qiiraysan kulligood Jeegnta bahdeedii Miyigu.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top