Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliland la kala leeyahay!…W/Q Jibriil Jirde

Articles

Soomaaliland la kala leeyahay!…W/Q Jibriil Jirde

Shirkii nabadda ee ka dhacay Boorama 1993 ayaa lagu soo doortay Maxamed X. Ibraahin Cigaal, waxa aanay ummaddu heshiis ku gaadhay in la dhisto Soomaalilaan la wada leeyahay.

Wadaaga awoodaha qaranka ayaa bud-dhig u ah, dhisamaha qaran dhidibo adag ku taagan oo aan si fudud loo liicin karin.

Awood qabsiga dalka ka jiray maalin ba meel ayuu taagna, dhibtu se waa in uu sii daciifayay maalin ba maalinta ka dambaysa, halka ay ka ahayd in uu sii adkaado, dhumuc iyo dherer qotodheer na yeesho. Dhinac ayay awooddu u dheeliyaysay, dhanka kale na samir iyo il walaalnimo ayuu ku sugayay wayse ka soo rayn wayday.

Madaxweynaha, guddoomiyaha guurtida, guddoomiyaha maxkmadda sare, xeer ilaaliyaha guud, hanti dhawraha guud, wasiirrada ugu tunka weyn sida, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka caafimaadka, taliyayaasha ciidamada qaranka, booliska iyo dab-damiska, danjirayaasha, maareeyayaasha iyo agaasimayaasha hay’ada waaweyn, intaas oo isku qoofalan quwaddii qaranka na haysata ayaa dhan maray, waliba dhankaasi ayaa sii kala badsaday oo dhexdiisa ismuquuniyay, dhibteeduna maanta ayay muuqata, dhankii kale na samirka ayuu badiyay oo weli wuu ka dhursagaya, dhurwaa ayaan se hambe reebin.

Markaas iima muuqato sabab loogu qasbo in wiilka Laascaanood ama Boorama jooga uu ula dareen noqdo ka Hargeysa jooga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top