Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkii Beelaha Garxajis Oo La Soo Gunaanaday Iyo Qodobada Ka Soo Baxay

focus

Shirkii Beelaha Garxajis Oo La Soo Gunaanaday Iyo Qodobada Ka Soo Baxay

(SLT-Gacan-libaax)-Shir Tobankii Maalmood ee La Soo Dhaafay Buurta Gacan Libaax uga socday Mid Ka mid ah Beelaha Ugu Ballaadhan Somaliland ayaa maanta si rasmi ah loo soo gunaanaday.

Shirkan oo intii uu socday Bulshadda Somaliland si weyn natiijadiisa ugu dheg taagaysay ayaa waxa laga soo saaray 8 qodob oo loo arkay in ay yihiin kuwo bud dhig u ah somaliland.

Waxaana qodobadaas  ay u dhignaayeen sidan:

1. In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .

2. In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn

3. In Qootada qandaraasyada dalka cid gaara ah la siiyay

4. In Sinaanshiiyo laan ay beeshu ku tirsaneyso shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah

5. In beelaha Somaliland oo dhan lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay

6. In la furo dastuurka dalka si beelaha darafyadu uga Qaybta qaataan dawlada Hogaanka dalkana loogu sinaado

7. Beeshu waxay cadaynaysaa in labadii xukuumadeed ee iska dambeeyay Aanay dhex ka ahayn colaaada Ceel Afweyn ,Waxaana ay ku eedeeyeen in qaaar ka mida wasiirada xukuumada Muuse sii hurinayaan colaaadaaas

8. Waxaanu ka digaynaa in Beesha lagu sheego Somaliweyn, maadaama beeshu ahayd bud dhigii xoraynta dalka dad badana kaga dhinteen.

Somalilandtoday kala soco warkan wixii ka soo kordha

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top