Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkii Beelaha Garxajis Ee Gacan Libaax Oo Maanta La Soo Guunaanadayo Iyo War-Murtiyeed La Filayo In Laga Soo Saaro

focus

Shirkii Beelaha Garxajis Ee Gacan Libaax Oo Maanta La Soo Guunaanadayo Iyo War-Murtiyeed La Filayo In Laga Soo Saaro

(SLT-Gacan-libaax)-Waxa maanta la filayaa in la soo gunaanado shirka beelaha Garxajis ee Tol-wanaaje oo ka socday muddo toddobaad ka badan buurta gacan libaax ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ahaa shir miisaankiisa siyaasadeed leh ayaa waxa ka qayb galay dhammaan madaxda dhaqanka ee beelaha Garxajis, siyaasiyiinta, qaar ka mid ah ganacsatada, dhallinyarada aqoonyahanka ah iyo haweenka.

Waxa la filayaa in shirkan laga soo saaro bayaan la xidhiidha xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu wadanku marayo. Bulshada Somaliland ayaa si weyn isha ugu haysa bayaanka ka soo bixi doona shirkaas., waxaana gunaanadka shirka maanta lagu casuumay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee beelaha Somalialnd iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top