Connect with us

somalilandtoday.com

“Sarraynta Sharcigu Waxay Ka Mid Ahayd Ballanqaadkii Madaxweynaha,” Wasiirka Caddaaladda Somaliland

advertise

“Sarraynta Sharcigu Waxay Ka Mid Ahayd Ballanqaadkii Madaxweynaha,” Wasiirka Caddaaladda Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay shir lagu lafo gurayo Sarraynta Sharciga(Rule of law) kaas oo uu tilmaamay in uu ka mid yahay ballanqaadyadii madaxweynaha ee ahaa in sharcigu sarrayn doono lana sinnaan doono.

Kulanka waxa qayb ka ah Wasaaradda caddaaladda, wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda qorshaynta, ciidanka booliska, ciidanka asluubta, maxkadamadda sare, dhamaan bahda caddaalada iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha caddaaladda Somaliland, sidoo kale masuuliyiinta kale ee kasoo qayb shashay shirkan waxaa kamid Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Md. Xasan Adan Maxamed. Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda JSL Md. Xuseen Maxamed Maxamuud.

“Waxaan jeclahay ugu horayn inan idinka mahadnaqo sida aad u soo u ajiibteen inaad nagala soo qayb gashaan shirkan muhiimka oo aynu doonayno inaynu maanta halkan ku samayno ama dib aynu isula eegno qorshe hawleedkii aynu ku hawl gali lahayn ee barnaamijka aynu ku doonayno inaynu ku xoojino inuu sharciga dalkeenu sareeyo oo aynu soo celino kala danbayntii iyo wanaagii sharciga dalkan lahaa. Sarraynta sharciga waxay kamid ahayd balan qaadyadii uu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland ugu balan qaaday dadwaynaha inuu ka shaqaynayo sidii sharciga dalku u sarayn lahaa dadkuna u sinaan lahaayeen, sharciga taas baanu wadnaa inanu fuliniyo balan qaadki madaxwaynaha qaranka,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye oo shirka furay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top