Anigu waxa aan garan waayay sababta uu Shirkan Garxajis saamaynta ugu yeeshay dalka iyo sababta uu saamayn ugu yeelan waayay shirkii hore ee xulufaysiga ahaa ee la magac Baxay “Jeegaan” una dhaxeeyay beelaha Habar Jeclo iyo Habar Awal.
Waan rogrogay sababtaa mar dambe, waxaanan Ogaaday in sababta ay xukumadu iyo salaadiintii labadaa beelood uga qayliyeen ay tahay, Beesha Garaxajis oo ka soo hor jeeda in dalkii la majaro habaabiyay oo reero gaar ahi kooto ku xidheen khayraadkii dalka iyo maamulkii dalka,
Garxajis keligii muu qabsan shirka ee hadana waxa uu ku soo marti qaaday beelo kale oo iyana saluugsanaa habka awood qaybsiga we beelaha somaliland ee xukunka dalka
Arintu markay halkaas marayso waxa la odhan karaa Waa Gar arinta ay Garaxajis wataan ee ah in dalka iyo xukunka loo sinaado oo wixii lagu heshiiyay ee dawladnimada aynu ku dhisanay aan la baal marin.
Beelaha lagu casuumay shirkaa waxay ila tahau inay duduub ay ku qaadanayaan go,aanka ka soo baxa shirkaa, waayo markii hore ba way saluugsanayeen habka awood qaybsiga ee xukunka dalka 8,deedii sano ee u dambeeyay ee uu xukunka hayay xisbiga Kulmiye iyo beelaha ku midoobey Jeegaan
Dhibta maanta taagan ee uu ka tegay madaxwayne Siilaanyo intuu talada dalka hayay waa ta ilaa maanta taagan, waxaanay shacabku filanayeen in madaxwayne Muuse Biixi uu wax ka qaban doono cadaalad-darada iyo kala qaybsanaanta soo kala dhex gashay shacabka somaliland intii uu siilaanyo talada dalka hayay,
Hase yeeshee waxay walba Kadaroo dibi dhal noqdeen markii Muuse Biixi uu isna raacay dariiqii uu jeexay madaxwayne siilanyo
Shirkan qodobada ka soo baxaya waa laba daran mid dooro
* In xukumada madaxwayne Muuse Biixi ay ku soo noqoto cadaaladii iyo wax wada lahaanshihii shacabka somaliland iyo
* in uu ku adkaysto inuu raaco dariiqaa madaxwaynihii ka horeeyay
Haduu madaxwayne muuse Biixi raaco go,aanada ka soo baxa shirkaas Garxajis iyo beelaha ay casuumeen, waa arin xkumadiisa iyo shacabka somaliland ba ay jeclaysanayaan
Haduu se raaco madaxwayne Muuse Biixi dariiqii uu jeexay siilaanyo iyo isbahaysiga Jeegaan tanina waxay somaliland ku ridaysaa haaadaan dheer oo saamaynteeda yeelan doonto iyo in reer walba aayihiisa ka tashado laguna kala dhaqaaqo jamhuuriyadan sida adag lagu dhisay
@Hassan Gumburaawi