Connect with us

somalilandtoday.com

Ronaldo Iyo Messi Oo Ka Huleelay Koobka Adduunka

focus

Ronaldo Iyo Messi Oo Ka Huleelay Koobka Adduunka

(SLT-Moscow)-Waxaa meel xiiso leh maraya tartanka koobka kubada cagta aduunka oo wareegi 16ka maraya kaas oo ka socda wadanka Ruushka, caawa waxaa tartanka macsaalameeyay xulalka argentine iyo Potrugal oo ay hogaaminayeen xidigaha kubada cagta aduunka Ronaldo iyo Messi, Portugalayaa waxaa 2-1 afka ciida ugu darta xulka qaranka Uruguay, Christian Ronaldo ayaana awoodi waaday in xulkii uu u xaqiijiyo inay gaaraan wareega 8da kooxood.

Argentine ayaa guuldaro 4-3 galabta kala kulantay kooxda qaranka France , Messi oo horay ciyaar wanagsan ugu soo nuujiyay ciyaartii ay badiyeen ee sida dirqiqa ah ay ugu soo gudbeen wareega 16 ayaa kooxdiisa markale u xaqiijin waayay booskaan.

Dadka ka falaanqooda ciyaaraha ayaa tilmaamaya in sanadka uu koobka aduunka sidii hore ka adag yahay ayna macquul tahay in qaramada yar yar ay ku guuleystaan, waxaa horay u haray qaramo waaweyn oo loo saadilanayay in ay kookaan ku guuleystaan, ilaa iyo hadana wadamada yurub ayaa ah kooxaha ugu badan ee wareegaan usoo gudbay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top