Connect with us

somalilandtoday.com

Qeexida Axdi Qarameed…W/Q Ahmednur Guruje

Articles

Qeexida Axdi Qarameed…W/Q Ahmednur Guruje

“qeexidda axdi qarameed’’.

Axdi qaramedku wuxuu ahaa ,sharci ku meel gaadha oo la is kula qaatay shirkii boorame 1993 ,kaasoo ku jirey halka distoorka ,si ku meel gaadh ahna loogu dhaqmayay.

Axdi qarameedka oo mudadiisu ahayd 2 sanadood wuxuu ku eegaa Bishii may. 1995 ,hassa yeeshee duruufihii jirey awgood ayaa dib u dhigay Ilaa bishii 11 aad ee 1996 kii

Shirwaynihii 3 aad ee beelaha somaliland oo ay kasoo qayb galeen 315 ergey oo ka socday guud ahaan beelaha somaliland ayaa laggu laalay axdi qarameedkii ,waxaanu laggu ansixiyay distoorka hadda jirra .

Sanadihii 2000 iyo 2001 ayaa mar kale golahayaasha baarlamaanadda iyo xukuumaddu ku qabyo tireen,isla markaana diyaariyeen nuqulka hadda jirra ,dood iyo muran dheer ka dib.

Sanaddii 2001 ayaa distoorka laggu ansixiyay afti dadwayne ,taasoo distoorka laggu xalaaleeyay .

Si kastaba ha ahaatee ,axdi qarameedku waa sheeko Berri jirtay oo waa horre dhamaatay,hassa yeeshee distoorka ayaa ah ka hadeer jirra jirra ee shaqeeya,kaasoo bedelkiisa ,kordhintiisa ,furistiisa iyo kaabistiisaba lasoo jeedin karro .

Keliya intani waa aqoontayda qofeed iyo xog ogaalnimadayda gaar ahaaneed .

W/Q Ahmednur Guruje

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top