Connect with us

somalilandtoday.com

Qaxooti Badan Oo Ku Nool Dalka Masar Oo Dib U Dejin Loogu Sameynayo Portugal

focus

Qaxooti Badan Oo Ku Nool Dalka Masar Oo Dib U Dejin Loogu Sameynayo Portugal

(SLT-Portugal)-Dawladda Portugal, ayaa ka qaadeysa dalka Masar afar boqol (400) oo ka mid ah qaxooti ku nool dalkaas oo dib u dejin ka helay Portugal, waxaana ay qaadista dadkan ka dambeysay heshiis ay waddamada reer Yurub la galeen dowladda Masar, kaaso dhigaya Masar inay ka hortagto tahriibiyaasha ka baxa dalkaas, waddamada Yurubna ay dib u dejin u sameeyeen qaxooti badan ee Masar ku nool.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-01-13 09:49:32Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Dabayaaqada sannadkan ayaa lugu wadaa dadka ugu horreeya ee ka mid ah qaxootiga dib u dejin ka helay Portugal in laga qaado dalka Masar, waxaana la dhammeystiri doonaa sannadka 2019.

“Waa mas’uuliyad caalami ah sidii xal loogu heli lahaa qulqulka muhaajiriinta ,taaso horey ay uga wada heshiiyeen Midowga Yurub iyo dowladda Masar sannadkii 2017 .” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar,Axmed Abu Zeid.

Dowladaha reer Yurub, Britain, Jarmalka, Sweden iyo Nederland ayaa horey dib u dejin ugu sameeyay boqollaal ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka Masar, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top