Connect with us

somalilandtoday.com

Macnaha Qodobka 5aad ee go’aamada laga soi saaray Shirka GACAN LIBAAX.

Articles

Macnaha Qodobka 5aad ee go’aamada laga soi saaray Shirka GACAN LIBAAX.

Qodobka 5aad ee go’aamada shirka Gacan Libaax laga soo saaray fulintiisu kuma koobnaanayso GARXAJIS OO keliya ee waxa uu saamaynayaa ISAAQ iyo Ayuha-nnebi OO dhan.

Sidaasi OO ah tahay waxa meesha taalla Su’aal odhanaysa Beellaha reer Somaliland sidee ayay ula muuqataa soojeedinta GARXAJIS ku baaqay ee lagaga arrinsanayo Dulucda qoddobkani xambaarsan yahay.

F.G: Qoddobkani wuxuu odhanayaa: Beellaha GARXAJIS Waxay aaminsan yihiin (In beellaha Somaliland oo dhan lala shiro, si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay).

“Qeexida AxdiQarameed’’. (Intan dembi ee Qoraalkan waxaan ka xigtay Ahmed Nour Guruje
++++++++++

Axdi qaramedku wuxuu ahaa sharci ku meel gaadh ahaa oo la is kula qaatay shirkii Boorame 1993-kii, kaasoo ku jirey halka distoorka ku jiro maanta, si ku meel gaadh ahna loogu dhaqmayay .

Axdi qarameedka oo mudadiisu ahayd 2 sanadood wuxuu ku eegaa Bishii may. 1995 ,hassa yeeshee duruufihii jirey awgood ayaa dib u dhigay Ilaa bishii 11 aad ee 1996 kii .

Shirwaynihii 3 aad ee beelaha somaliland oo ay kasoo qayb galeen 315 ergey oo ka socday guud ahaan beelaha somaliland ayaa laggu laalay axdi qarameedkii ,waxaanu laggu ansixiyay distoorka hadda jirra .

Sanadihii 2000 iyo 2001 ayaa mar kale golahayaasha baarlamaanadda iyo xukuumaddu ku qabyo tireen,isla markaana diyaariyeen nuqulka hadda jirra ,dood iyo muran dheer ka dib.

Sanaddii 2001 ayaa distoorka laggu ansixiyay afti dadwayne ,taasoo distoorka laggu xalaaleeyay .

Si kastaba ha ahaatee ,axdi qarameedku waa sheeko Berri jirtay oo waa horre dhamaatay,hassa yeeshee distoorka ayaa ah ka hadeer jirra jirra ee shaqeeya, kaasoo bedelkiisa, kordhintiisa, furistiisa iyo kaabistiisaba lasoo jeedin karro.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top