Connect with us

somalilandtoday.com

Yaa Ka Dambeeyay In Lasii Daayo CabdiKariin Qalbi Dhagax?

News

Yaa Ka Dambeeyay In Lasii Daayo CabdiKariin Qalbi Dhagax?

(SLT-Addis Ababa)-Dowlada Ethiopia ayaa xorriyaddiisa  dib ugu celisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo muddo ku dhow sannad ku jiray gacanta dawladda Itoobiya.

Sawiro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ku labisan dareyska suit-ka loo yaqaan misana dhoola cadeynaya,taasoo dad badan shaki badan ku abuurtay maadama Cabdikariin soo deyntiisa haba yaraatee aysan ka muuqan daal iyo diif toona.

Wareysi uu siiyay BBC ayuu Qalbidhagax uga hadlay sii deyntiisa waxa uuna sheegay in uu bad-qabo oo caafimaadkiisu uu aad u wanaagsan yahay.

Intii wareysiga uu socday Qalbi dhagax ayaa la weydiiyay su’aal ahayd cida rasmiga ah ee ka dambeysay sii deyntiisa?, waxa uuna ku jawaabay in dowlada Ethiopia,odayaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ay ka dambeeyeen in la sii daayo oo uu dib u helo xoriyadiisa,taasoo meesha ka saartay warar la xiriiray dowlada Soomaaliya ay door ku lahayd sii deyntiisa.

Wuxuu intaa ku daray qalbi dhagax in muddadii uu xirnaa uu haystay Internet,raadiye iyo agab kale oo uu kala socdo waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

Bishii August ee sanadkii 2017-ka ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay Ethiopia u gacan gelisay Qalbi Dhagax ,waxaana arrintaas ay sababtay cadho xoog leh iyo eedeymo loo jeediyo dowladda Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top