Connect with us

somalilandtoday.com

Qalbi Dhagax Iyo Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Kulmay

focus

Qalbi Dhagax Iyo Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Kulmay

(SLT-Addis Ababa)-Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Jabhada ONLF oo dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya ayaa Maanta oo Sabti ah waxa uu la kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Qalbi-Dhagax oo maalin ka hor lagu siidaayey Cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ah markii ugu horreysay ee kulankooda,waxa uuna ahaa mid Abiy Axmed uu ku ogaanayey xaalada uu ku sugan yahay Qalbi-Dhagax.

Kulanka Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo aan wax faah faahin dheeraad ah laga bixin ayaa waxa uu daba socdaa xilli Ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF ay masuuliyiintooda ay sheegeen in weli uusan aheyn Qalbi-Dhagax mid aan xur ah.

Bishii Agaust Sanadkii tegay ee 2017 ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ku wareejisay dowladda Itoobiya,waxana wareejintaas ka dhalatay xiisad Siyaasad oo mudo dhowr bil ah ka taagneyd dalka.

Dhinaca kale Baarlaamanka dalka Itoobiya ayaa Golaha Wasiirada dalkaas wax ay ka dalbadeen qaraar horay u soo ansixiyay Golaha, kaasoo ahaa in Liiska Argagixisada laga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 oo daagal kula jira dowladda Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top