Connect with us

somalilandtoday.com

Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Xaalladda Soomaaliya Iyo Ammaanka Badda Cas.

focus

Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Xaalladda Soomaaliya Iyo Ammaanka Badda Cas.

(SLT-Qaahira)-Wargeyska Maalinlaha ee Al-masri Alyoon ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri iyo dhigiisa dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ka wada arrinsadeen Xidhiidhka labadooda dal, Xaallaadaa Soomaaliya iyo Yemen, Ammaanka Geeska Afrika, Gacan-biyoodka Baabul Mandab ee Gacanka Carabta iyo Biyo-xidheenka Ethiopia ka dhistay Webiga Niil.

Labada Wasiir waxay kulankooda ku yeesheen Caasimadda dalka Muratania ee Nawakshoot, halkaasi oo ay ka qeyb galay Shirkii Golaha Fulinta ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Qaaradda Afrika ugu gogol-xaarayeen Shir-madaxeedka Madaxda Afrika oo berrito ka furmi doona dalkaasi.

Afhayeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Msaar, Axmed Abu Zayd ay aa sheegay inay Labada Wasiir isla eegeen sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada waddan, gaar ahaan Ammaanka Badda Cas iyo sidii Dowladda Masar Deegaan Loojistiko oo xor ah looga siin lahaa Dekeddaha Jabuuti.

Xigasho: Al-Masry Al-Youm

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top