Connect with us

somalilandtoday.com

Laba Oday Oo Siyaabo Kala Duwan Iskugu Dilay Tuullo Soomaaliya

focus

Laba Oday Oo Siyaabo Kala Duwan Iskugu Dilay Tuullo Soomaaliya

(SLT-Jawhar)-Labada Oday ee isku-dilay deegaan hoostaga Magalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadka Beeraleyd ah ee ku nool Tuulada Raama-cade ee duleedka Jowhar.

Mid ka mid ah Ehelada dadkaas ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha is-dilay,mid ka mid ah uu toorey isku-dhuftay halka midka kale uu Biyaha Wabiga isku harqiyey sidaasna uu ku geeriyoodeen.

Sadiiq Cabdi oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Raamaca-cade ayaa Dalsan u sheegay in sababaha ugu weyn isdilka Odayaashaan oo kala dhacay Shalay gelinkii dambe iyo Maanta ay tahay in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay Beero ay tacbadeen,isla markaana Kharash farabadan uu ka galay.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah oo ah dhif iyo nadir ayaa inta badan xilliyada qaar waxa uu uga dhacaa tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeellaha dhexe,waxana dhacdadii ugu dambeysay ee tuulada Raama-cade hadalhaya dadka ku nool tuuladaas.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe weli kama hadlin,waxana dadka deegaanka inoo sheegeen in labada Oday ee sida kala gooni gooniada ah isku dilay lagu aasakay Khabuuro ku yaalla gudaha tuulada Raama-cade.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top